Qoor Qoor oo shaaciyay sida looga adkaan karo Itoobiya

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo maanta furay kalfadhiga 9-aad ee Golaha Wakiillada maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo ku aadan heshiiska badda Soomaaliya.

Qoor Qoor ayaa ugu horreyntii caddeyeeyay mowqifka maamulkiisa, isaga oo hoosta ka xariiqay inay garab taagan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya.

“Mowqifka ay Galmudug ka qabto tacaddiyada dalka dibaddiisa ka imaanaya horayna waan u caddeynay markalena waan caddeyneynaa Galmudug mowqifkeeda waa cad yahay waxay garab u tahay dowladda federaalka iyo guud ahaan Soomaaliya” ayuu yiri Qoor Qoor.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan aqbali doonin in si sharci darro ah lagu qaato taako kamid ah dhulka Soomaaliyeed.

“Ma aqbali doono hal tallaabo oo sharci darro ah ka timaadda dalkeenna dibaddiisa” ayuu mar kale ku yiri khudbad uu u jeediyay xildhibaannada baarlamaanka Galmudug.

Waxaa kale oo uu soo hadal sida loo weji karo arrinta Itoobiya, si looga hortego damaceedda gurracan, wuxuuna sheegay in looga adkaan karo midnimo iyo wadajir.

“Qadiyadaha hadda taagan oo kale waxaa looga gudbi karaa midnimo iyo wadajir, mana maleynayo inuu jiro qof Soomaaliyeed oo gorgortan uga jirto madax bannaanida iyo midnimada dalka” ayu uku daray.

Go’aanka Qoor Qoor ayaa yimid, ayada oo in dhowaanahan maamullada dalka lagu dhaliilayay sida ay uga aamusan yihiin arrinta heshiiska badda ee Itoobiya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeeda ay taagan tahay xiisadda badda ee ka dhalatay heshiiska ay Somaliland dhowaan la gashay dowladda Itoobiya.