Sidee looga falceliyay shirka uu iclaamiyay Saciid Deni?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dib loo doortay ee mamaulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa dhowaan iclaamiyay shir guud oo wadatashi ah, kaas oo looga hadlayo marxaladda adag ee lagu jiro iyo khilaafka maamulkiisa kala dhexeeyo dowladda.

Saciid Den ayaa faahfaahiyay gogosha wadahadal ee arrimaha Soomaaliya ee Puntland ay dhigtay, taas oo uu ku dhawaaqay maalintii caleemo-saarkiisa.

Puntland ayaa shaacisay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu aqbalay gogoshaas, waxaana kulamadii madaxdu ku yeesheen Garoowe todobaadkan looga hadlay Ajandaha Shirka heer Federaal ee ay gogoshiisa dhigtay Puntland oo ka dhici doona Garoowe.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shir guddoomiyey kulan aan uga arrinsanay gogosha ay dhigtay Puntland, kaas oo ay ka soo qeyb galeen madaxdii hore iyo hoggaanka Puntland, kulankaas waxaa looga hadlay gogosha ay dhigtay Puntland, si looga arrinsado xaaladda Soomaaliya,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale  madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo gogosha wadahadal ee arrimaha Soomaaliya ee Puntland ay dhigtay, taasi oo shalay madaxweyne Deni uu sheegay in dowladda federaalka ay aqbashay. 

Waxaan soo dhoweynayaa shirka Garoowe ee looga tashanayo arimaha hortebinta u leh dalka, aniga oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya ugu baaqaya in ay ka qayb galaan shirkaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah.” ayuu isna qoraal uu soo saaray ku yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Haddaba sidee shacabka uga falceliyeen shirka Garoowe?

Sharmaa’rke Ciise “Puntland u baqi maayo mar hadaa joogtid adigu Madaxweyne ee inoo soo dhici xaqeena guulaysana.

Ibraahim Nuur Maxamed “Oday nabadeed aabaha Puntaland guulayso madaxweyne”.

Cabdisalaan Maxamuud “Insha Allah ilahey waxan ka baryeena in shirka nabadeed qeyr kasoo baxo danta dalka iyo dadka laga wada shaqeeyo”.

Ubax Saciid “Mudane madaxweyne waa arrin wanagsan gogoshaa dhigtey rabi haka dhigo midii Soomali midnimadood xoojisa”.

Cabdulqaadir Faarax “Runtii waa arrin wngsan dadka Soomaaliyeedna waxay doonayaan dowlad Soomaaliyed oo deeqda”.

Mahad Cabdi Ciise “Gogosha aad dhigtay waxaa ka horeysa inaad reer Puntland u dhigto, kabacdi kasoo qeybgal madasha wadatashiga”.

Daahir Cusmaan “Siciid Daniyow markasta dagaal laguma jiri karee hadaa nabadda iyo wada hadal usoo laabatay waa kuugu bogaadinaa.