Daawo: Qoysaskii tegay qabuuraha Iskuul Booliisiya oo arrin aysan fileyn la kulmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta qabuuraha Iskuul Booliisiya ee magaalada Muqdisho buux dhaafiyey qoysaskii ugu badnaa oo baadi goobaya maydadka dad ehelladooda kamid ah oo sanado kahor lagu aasay dhulkaas oo ay hadda dib u dhisaneyso dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid kadib markii uu shalay amar guud kasoo baxay dowladda, kaas oo lagu faray ehellada inay maydadka muddo 10 cisho ah ugala baxaan halkaasi, ayada oo sababta lagu sheegay in dowladdu ay usoo baahatay dhulkaasi.

Qaar kamid ah dadweynaha tegay qabuuraha ayaa walaac ka muujiyay amarka dowladda, waxayna sheegeen in uu yahay mid aan laga fiirsan oo ay si wayn uga naxeen.

Sidoo kale dadkan ayaa qaarkood tilmaamay inay mar kale la mururgoonayaan xanuunka iyo tiiraanyada dadkii ay jeclaayeen oo ay sanado dheer kahor aaseen, balse haatan mar kale dib loo soo saarayo maydadkooda.

Waxa kale oo ay dadkan markii ay tageen goobta la kulmeen arrin kale oo cusub oo ah inay bixiyaan lacago tiradooda lagu sheegay 20 dollar iyo inay warqad ogolaanshaha kasoo qaataan maamulka gobolka, sida ay ku warrameen qaar kamid ah ehellada oo tegay qabuuraha.

Dadkan ayaa sidoo kale ku dooday in aysan wada awoodin lacagtan, ayna dalbanayaan in loo ogolaado inay la baxaan maydadka, si ay meel kale ugu aastaan.

“Saaka ayaan imaanay waxay na dheheen warqad ka doonta Gobolka Banaadir, dowladda amarkeeda lama diidi karo, laakiin waxaan ka codsaneynaa inay warqaddaas nagadhaafto” ayay tiri gabar kamid ah ehellada tegay qabuuraha.

Tan iyo markii uu soo baxay go’aankan waxaa si weyn uga fal-celiyay bulshada Soomaaliyeed, ayada oo badankooda muujiyeen sida ay uga xun yihiin tallaabadda dowladda qaaday, xilli la heli karay dhul kale oo dowladda danaheeda ku fushato.