Mas’uul ka tirsan maamulka gobolka GEDO oo ka bad-baaday qarax lagu dili rabay

Beledxaawo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday qarax bambaano ah oo xalay lagu qaaday guddoomiye ku xigeenka labaad ee maamulka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Bam-gacmeed ayaa lagu dhuftay hoy uu magaaladaasi ka dagan yahay guddoomiyaha oo lagu magacaabo Cal Shire, waxaana ku dhaawacmay 1 askari oo kamid ah ilaaladiisa, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen jugta qaraxa iyo rasaas xigtay oo ay kadib fureen ciidamada ammaanka ee ku sugan halkaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay in ujeedka uu ahaa in la khaarijiyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee degmada Beledxaawo.

Weerarka kadib ciidamada ammaanka ayaa iyaguna sameeyay howlgallo baaritaano ah, balse ma jirto illaa iyo hadda cid ay usoo qabteen weerarkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada, kan gobolka iyo saraakiisha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.

Gedo waxaa horay weeraro kala duwan uga fuliyay Al-Shabaab oo qarax ku dishay taliyihii NISA ee gobolkaas Bakaal Kooke iyo mas’uuliyiin kale oo ka howlgalayay gobolkaasi.