SHARIIF oo ka hor-yimid tallaabadii ay qaaday DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka horyimid tallaabada ay qaaday dowladda federaalka, isla-markaana lagu soo faagayo qaabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Sheekh Shariif ayaa waxa uu ku sheegay inuu aad uga xumaaday in maydadka laga soo saaro qabuurahaasi kadib amarka kasoo baxay dowladda.

“Waxaan aad uga xumahay arrinta dib u faagista qubuuraha Iskool Boolisiya ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku aasan yihiin dad badan oo shacab ah oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay lagu aasayay” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waxaan la dareen ah bulshada ay ehelkooda ku aasan yihiin qabuurahan ee hadda lagu qasbaayo in lasoo faago”.

Shariif ayaa xusay in hadda aysan jirin baahi dhuleed oo ay qabto dowladda Soomaaliya, wuxuuna ayaan darro ku tilmaamay sida loola dhaqmayo maytada.

Madaxweynihii hore ee dowladda KMG ka ahayd ayaa sidoo kale dowladda ku eedeeyay inay si sharci darro ah ku bixisay dhulal dan-guud ah iyo xeryo ciidan, haddana la’isla qaaday dhulkii qabuuraha.

“Waxaa taasi kasii xanuun badan in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo bixineysa xeryihii ciidamada, dhulalka danta guud, kuna bixineyso hab aan waafaqsaneyn sharciga ay hadda kasoo yeerto dowladda in ay u baahato dhul ay ku aasan yihiin maydad muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan qaarkood awoodin in ay dib dib u aastaan maydadkooda” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda inay ka laabtaan go’aankan, isla markaana ay maareeyaan xaaladda ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya.

“Waxaan mas’uuliyiinta dowladda usoo jeedinayaa inay hakiyaan fulinta go’aanka faagista qabuuraha, lana yimaadaan xal kale oo lagu maareynayo xaaladda taagan” ayuu ku daray.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maanta ehellada maydadka ku aasan halkaas ay bilaabeen inay kala baxaan, si ay meel kale ugu aastaan maydadkooda.