Sawirro: DF oo maanta ku dhowaaqday go’aan culus oo ku saabsan ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaaday go’aan culus oo ku aadan dhismaha iyo tababarada ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay bixiyaan dowlado kala duwan oo ay ugu horreysay dowladda Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta booqday kuliyadda tababarka TurkSom ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee ciidanka qalabka sida, ee ay bixiyaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Xamza ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidanka qalabka sida loo dajinayo hal manhaj oo mideysan taasi oo xoojineysa gudashada waajibaadkooda.

Sidoo kale wuxuu saraakiisha iyo ciidanka kula dardaarmay inay yihiin rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin, isla markaana ay u diyaargaroobaan ciribtirka Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu raiisul wasaaruhu ballan-qaaday in dowladdu abuureyso hey’ad u xil-saaran daryeelka agoonta ciidamada qalabka sida, isla markaana maalin qaran loo asteyn doono sanad walba maalinta shuhadada.

Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyay dowladda Turkiga, oo si weyn u xoojisay taageerada isugu jirta qalabeynta iyo tayeynta ciidankeena, iyo dhinacyada caafimaadka iyo gargaarka xaaladaha degdegga ah.

Soomaaliya ayaa haatan sameyneyso dib u kabasho dhanka milatariga ah, waxayna heshay ciidamo badan oo ay usoo tababareen dowlado kala duwan, sida Turkiga, Eritrea, Jabuuti, Uganda iyo dalal kale oo waa wayn.