Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Jonas Gahr oo shir caalami ah guddoomiyay

Oslo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Oslo ayaa maanta isaga iyo ra’iisul wasaaraha dalka Norway, Jonas Gahr Støre waxay si wadajir ah u guddoomiyeen Madasha Caalamiga ah ee Nabadda ee Oslo Forum oo ka furantay magaalada Oslo.

Waxaa madashan la aasaasey sannadkii 2003, waxaana lagu casuumaa ama ka soo qeybgala hoggaamiyeyaasha caalamka, dhex-dhexaadiyeyaasha colaadaha, qeybaha isku haya khilaafaadka iyo khubaro kala duwan oo halkaasi ku dersa mashaakilaadka ka jira caalamka, isla markaana taageera wadahadal iyo in la abuuro hannaan nabadda lagu gaari karo.

Sidoo kale waxaa Madashan  si wadajir ah u soo qabanqaabiya Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Norway iyo Hay’adda Wadatashiga ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD).

Waa markii ugu horreysay ee shirkan wax ka guddoomiyo madaxweynaha Soomaaliya oo hadda booqasho rasmi ah ku jooga Norway, taas oo qaadan doont muddo saddex cisho ah.

Dhinaca kale waxaa shirkan ka horreeyay kulan kale oo gaar ah oo saaka wada yeesheen  madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre, wuxuuna madaxweynaha uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida dowladda federaalka ee Soomaaliya ay uga go’an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xaqiijinta xasiloonida dalka iyo tan gobolka.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu ka mahad-celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Norway ayaa isaguna bogaadiyay horumarka ay DFS sameyneyso, waxaana uu ballan-qaaday in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Norway ayaa waxaa la dhexeeya xiriir wanaagsan oo qoto dheer, iyadoo socdaalka Madaxweynaha uu haatan ku tegay Norway uu muujinayo sida labada dal ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda iyo Iskaashiga ka dhexeeya.