Dhallinyaradii TikTik oo loo gudbiyay maxkamad iyo shan QODOB oo loo haysto

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ka dhanka ah dhalinyarada caanka ahayd TikTok-ga ee ay dhawaan soo xir xireen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Xeer-ilaalinta oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay inay maanta maxkamadda gobolka Banaadir u gudbisay illaa 19 eedeysane oo ay ku jiraan gabdhihii dagaalka qabiilka ka waday baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana loo haystaa inay wadeen kicin bulsho.

“Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay 19 eedeysane oo loo heysto in Social Media ay ka wadeen kicin bulsho iyo falal kale” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhalinyaradan ayaa lagu eedeeyay 5 qodob oo culus, sida ay soo bandhigtay xeer-ilaalinta qaranka oo iyadu kiiskan maanta gaysay maxkamadda gobolka, si loo guda-galo.

“Xafiiska Xeer-Ilaaliyha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Sharci ayaa Maxkamadda Gobalka Banaadir  u gudbiyey Eed waafaqsan Qod. 71 X.H.C.S oo lid ku ah 19 Eedeysane oo dhammaantood loo heysto ku lug lahaanshaha Dagaal isir sifayn ah, Khalkhal gelin amni, Naceyb, Kicin Bulsho iyo Aflagaado, ayagoo isticmaalaya Baraha Bulshada gaarka ah ee barta TikTok” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo intaasi lasii raaciyay “Xafiisku waxa uu Maxkamadda Gobalka Banaadir ka codsaday inay soo mudeyso dhageysiga kiiskaas.

Dhinaca kale, xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa digniin culus u diray dadka sida khaldan u isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan kuwa faafiya dhaqan-xumada.

“Hadaba Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu degniin adag u dirayaa dadka Baraha Bulshada u isticmaala dhaqamada xun xun oo liddiga ku ah dhaqanka suuban ee Islaamka iyo dhaqanka Bulshada Soomaaliyeed, Dhaqan xumadaas oo ah Aflagaadeynta, Iskudirka Bulshada, Been abuurka, naceybka iyo kicinta bulshada” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Howlgalka ka dhanka ah dhalinyarada baraha bulshada ayaa soo bilowday bishii hore ee May, waxaana lagu soo xiray dhalinyaro lagu eedeeyay kicin bulsho iyo anshax xumo.

Hadal-heyn xoogan ayaa sidoo kale ka dhalatay xarigga dhalinyaradaan, maadaama ay yihiin kuwii ugu caansanaa barta TikTok, waxaana badan dadka qaba in la suuliyo dhaqanka ay wadeen ee qabyaaladda ah, kaas oo kicinaya bulsho nabad ku wada degan Muqdisho.