Jeneraal Zakiya oo shaaca ka qaaday in xilkii laga qaaday iyo sarkaalka lagu bedelay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii labaad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa xilkii laga qaaday, sida ay shacisay caawa, waxayna sheegtay in lagu bedelay Jeneraal Cabdalla Cabdalla, iyadoo qoraalkeeda ciwaan uga dhigtay “Xilku waa meerto Difaaca qaranka waa joogto.”

“Adeerkeey Gen Abdalla Abdalla Maxamed waxaa leeyahay soo dhawoow, dhaqsana ku soo laabo aan xilka kugu wareejiyee!” Ayey Jeneraal Zakiya ku tiri qoraalka ay ku shaacisay in xilka laga qaaday.   

Jeneraal Zakiya ayaa Alle uga mahadcelisay fursadda ay u heshay inay shaqeyso muddo ku dhow lix sano, “Rabbigii fursad ii siiyay in intaas oo madax ah aan la soo shaqeeyo, intaas oo mashaariic aan hirgeliyo oo hada i fasaxay anigoo eed la ii heysan ayaa mahad oo dhan leh,” ayey ku tiri qoraalkeeda.

Waxay sheegtay in xili adag ay ku soo biirtay booliska Soomaaliya, balse maanta la joogo heer aad u sareeya, iyadoo sheegtay in dadaal badan ay ku bixisay hormarinta booliska.

“Waxaa shalay Boliiska ku soo biiray iyadoo sareeyasha ay lebiska ku watan bac iyagoo baqaaya in la dilo. Waxaana maanta ka tagaayaa iyagoo ku faani karo Boolisnimada iyo Bulsho oo haysato meel Boliis kala xiriiraan iyo kala xisaabtamaan,” ayey tiri Zakiya Xuseen.

Taliyaha ayaa u mahadcelisay dadkii ku garab istaagay in 5 sano iyo 10 bilood ay Taliye ku xigeen ka ahaato booliska Soomaaliya.

“Dadkii igu garab istaagay inaan gaaro guulaha kor ku xusay, abaalkiina ma gudi karo. Inta yareed oo aaminsaneed in caqabo ku ahaa danahooda gaarka ah, garoonka waa idiin baneeyee dhoolatuskiina gala,” ayey qoraalkeeda ku tiri Jeneraal Zakiya Xuseen.

Waxay sheegtay in hadda kadib ay u diyaarsan tahay inay u sii qidmeyso qaranka, isla markaana ay diyaar u tahay shaqo kasta oo loo diro, sida ay ku cadeysay qoraalkeeda.

“Hada is weydisaan Gaabeey xagee hada ka dhici doontaa? Waxaa idin leeyahay Gaabeey waa Gabar Soomaliyeed oo weli Generaal ah welina Heegan Buuxa ugu jirta u khidmeynta Dalkeeda, Dadkeeda & Diinteeda,” ayey qoraalkeeda ku tiri Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed.

Ugu dambeyntii taliye ku xigeenkii labaad ee booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen waxay soo bandhigtay waxyaabihii ay ku guuleysatay mudadii ay xilka heysay, kuwaasi oo kala ah:

5 sano iyo 10 bilood khidmeyn sare

2 Madaxweyniyaal

3 Raisul-Wasaare

3 Wasiiro Amni

3 Taliyaal Boliis

Hirgelinta qadka 991

Abuurid koox (50) gabdho ka mid ciidanka gaarka

Hirgelinta ILA WADAAG FORUM (Bolis &Bulshada)

Hirgelinta Operation 3G (Haweenka & Amniga)

Ragga Soomaliyeed baro micnaha TALISO.