Soomaaliya oo dalab cusub u gudbisay Sacuudi Carabiya xilli ay cabasho taagan tahay

Makkah (Caasimada Online) – Wasiirka awqaafta iyo arrimaha Diinte XFS Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wasiirka xajka iyo cumrada dowladda Sacuudiga Towfiiq Binu Fowsaan.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo in xujeyda Soomaaliyeed ay helaan adeeg aad u sarreeya.

Wasiirka Mukhtaar Roobow oo uu wehliyo madaxa xafiiska arrimaha xajka wasaaradda awqaafta Dr Khadar Xaaji Daahir ayaa wasiirka Xajka Sacuudiga la wadaagay in dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay in la kordhiyo tirada xujeyda Soomaaliyeed.

Tirada Xujeyda Soomaaliyeed ayaa hadda ah kaliya 11 kun iyo shan boqol, taas oo ka dhigan in Sacuudigu u aqoonsan yahay bulshada Soomaaliyeed inay tahay 12 Milyan.

“Waxaan u sheegay wasiirka in bulshada Soomaaliyeed ay ka badan tahay intaas balse aan tira koob lagu sameyn waqti-dhow, tusaalena waxaa noogu filan markii ugu dambeysay ee tirakoob lagu sameeyo bulshada Soomaaliyeed qoyska reer Roobow waxaa uu ahaa 12 ruux maantana boqol ayuu kor u dhaafay,” ayuu yiri wasiirka awqaafta iyo arrimaha Diinta.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada dowladda Sacuudiga ayaa dowladda Soomaaliyeed ku bogaadiyay dadaalka ay ku bixisay adeegga xajka, isagoo ballan-qaaday in ay kala shaqeyn doonto sidii loo sii hormarin lahaa.

Dalabkan cusub ee wasiirka u gudbiyay Sacuudiga ayaa imanaya xilli ay Xujeyda Soomaalida qaarkood ay cabasho ka muujiyeen adeegga Xajka ee dowladda wakiilka uga tahay wasaaradda awqaafta.

Qaar kamid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa ka cawday adeeg xumo ay sheegeen in mas’uul ka tahay dowladda, kuwaas oo ay kala kulmeen goobihii la dajiyay

Xujeyda qaar ayaa sheegay in hoteelo fiican aan la dejin, islamarkaana kuleyl daran ay ku wajahayaan magaalada Maka oo cimiladeeda ay aad u kulushahay.