Xogta basaasiin Al-Shabaab ah oo ciidamada dowladda usoo gacan galay maanta

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo baaxad leh oo ciidanka xoogga dalka ay fuliyeen, kaasi oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Howl-galladan ayay ciidanka ka fuliyeen degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelleda Dhexe, iyaga oo gacanta kusoo dhigay rag la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab oo basaasiin u ahaa.

Ciidanka ayaa sidoo kale ku guuleystay in duleedka magaalada iyo waddooyinka soo gala ay ka saaraan miinooyin ay kooxda Al-Shabaab dooneysay in ay ku waxyeelleeyaan dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan.

Soo qabashada raggan ayaa timid kadib markii ciidanka xoogga dalka uu helay xogta ah inay jiraan xubno si hoose ula shaqeeya kooxda, iyada oo ciidanka gacanta kusoo dhigay qaar ka mid ah jawaasiista argagixisada ee halkaasi ku dhuumaaleysanayo.

Dagaalka Al-Shabaab oo dib boorka uga jaftay dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii dambe lagu laayay maleeshiyaad Shabaab ah, ayada oo laga xoreeyay kooxda deegaano cusub.

Shalay ayey aheyd markii ciidanka kumaandooska ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ay kooxda ka xoreeyeen deegaanka Buulo-Xaaji oo 90KM dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Buulo-Xaaji, ayada oo sidoo kale howl-galkaas ay ciidanka ku bur-buriyeen fariisimo ay kooxda Al-Shabaab baada uga qaadi jireen dadka shacabka ah.