Wararkii ugu dambeeyey ee fal-celinta go’aanka DF ee qubuuraha Iskuul Boolisiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabasho xooggan ayaa ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho kadib markii dowladda Soomaaliya muddo 10 cisho ah u qabatay dadka eheladoodu ku aasan yihiin inay meydadka ugala baxaan.

Masuuliyiinta dowladda ayaa sheegay in dhulkaan loo adeegsan doono howlaha danaha qaranka, iyagoo cadeeyey in dhulkaas la deji doono ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya, midaasi oo fajaciso ku noqotay dad badan, xilli ay horey u beenisay arrinkaan.

Tan iyo markii uu soo baxay go’aankan waxaa si weyn uga fal-celiyay bulshada Soomaaliyeed, ayada oo badankooda muujiyeen sida ay uga xun yihiin tallaabadda dowladda qaaday, xilli la heli karay dhul kale oo dowladda danaheeda ku fushato.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Cabdullaahi Maxamed Aadam: “Dawladda afkeeda iyo dhegaheeda isma maqlan shalay maxay lahaayeen maantana maxay noo sheegoyaan.”

Cali Daahir: “Dadkii noolaa idinka baxsan waayay haddane dadkii hoygooda saxda ahaa ku jiraan wallee dowlad majirto.”

Daahir Cumar Daadda ayaa waxa uu yiri “Halkaas ayey mareysaa, waxa qarsoon ayaa ka badan.”

“Inta isku raacday in la faago kumanaan meyd ah ayagana ha sii ogaadaan in midaas iyo mid ka ihaano badan ay sugeeeyso markay dhintaan,” ayuu yiri Cabdulbaasid Sheekh Abuukar.

Xafsa Cabdi Cali ayaa sidoo kale iyadna waxay tiri “Umadan mayna iimaan lahayn bisinkee. Ilaahay ka cabsada oo qalbiyada qaraabada dadka ilaaliya.”

“Taariikh xumo iyo foolxumo bay ku dambaysay dowladdii,” ayuu yiri Maxamed Aadan oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrinkaan.

Maxamed Cabdiraxmaan: “Aduun nin joogo maxaa aragti ku laaban baan maqli jiray kawaran kuwa ku nool gobolada Soomaaliya ee eheladoda qubuurahaas ku xabaalan ee Xamar aan daganeyn tolow sidee dareemayaan kuwa Xamar jooga lamid iyagana wallaahi waa xanuun.”

“Ceeblooma dhinto meedkii xitaa maka xishoo weysiin,” ayuu yiri Daahir Caruush.

Xasan Waddani ayaa isna waxa uu yiri “Subxanallaah ma haddana dadkii dhintay maa loo soo dhigtay bal kawaran dadkii noolaa, aaway dadkii noolaa.”

“Ciidamada markii hore ma laheyn miyaa dhul iyo xarun u gaar ah?,” ayuu yiri Maxamed Daahir Faarax.

Siciid Ahmed Xirsi: “Dhulka dhan baa banaan ee booba dhul inta dadka dhintay qaburahooda la aadayo.”