XASAN oo ballan-qaad muhiim ah ka helay Norway kadib kulan ka dhacay Oslo

Oslo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Oslo, Ra’iisul wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre.

Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Norway uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida dowladda federaalka ee Soomaaliya ay uga go’an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xaqiijinta xasiloonida dalka iyo tan gobolka.

Waxaa sidoo kale uu madaxweynuhu ka mahad-celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre ayaa bogaadiyay horumarka ay DFS sameyneyso, waxaana uu ballan-qaaday in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Norway ayaa waxaa la dhexeeya xiriir wanaagsan oo qoto dheer, iyadoo socdaalka Madaxweynaha uu haatan ku tegay Norway uu muujinayo sida labada dal ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda iyo Iskaashiga ka dhexeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Norway ku jooga booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah, ayaa sidoo kale waxa uu qasriga boqortooyada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus.

Safarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay dalka Norway tan iyo markii dib loo doortay ee 15-kii May 2022, wallow uu safaro kala duwan ku tagay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub.