Dowladda Xasan Sheekh oo ku kacday arrin fajaciso noqotay oo si weyn loogu weeraray

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay ku dhowaaqday go’aan ay muddo ka meer-meeraysay shaacintiisa, kaasi oo lagu dalbanayo in deg deg qabuuraha Iskuul Buluusiya looga saaro meydadka ku aasan.

Masuuliyiinta dowladda ayaa sheegay in muddo 10 cisho ah meydadka looga saaro qabuuraha Iskuul Buluusiya, iyagoo cadeeyey in dhulkaas la deji doono ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya, midaasi oo fajaciso ku noqotay dad badan, xilli ay horey u beenisay arrinkaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo tallaabadan ay dowladda qaaday ku tilmaamay mid luminaysa aaminaadda shacabka iyo dowladda u dhaxeeya, ayaa si weyn ugu weeraray madaxda dowladda arrinkaan, oo uu sheegay inay meesha ka saareyso is-aaminaaddii.

“Aaminaadda waa cunsurka ugu wayn ee shacabka iyo dowladda u dhexeeya, haddii la waayana aysanba dowladnimadu shaqayn karin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaanka ayaa soo qaatay dhacdaddii bil kahor ay dowladda ku qasabtay wiilka uu dhalay AUN Ajakis inuu beeniyo in amarka dowladda uu ku baxshay maydka aabihii.

“Waxay madaxda dowladda maanta caddeeyeen in aan qowlkooda la aaminaynin, lana aami doonin. Waxa keli keli ah ee u haray ayaa ah in ay maalin kasta raadiyaan cid ay kaarkooda xoqdaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan

Aaminaadda waa cunsurka ugu wayn ee shacabka iyo dowladda u dhexeeya, haddii la waayana aysanba dowladnimadu shaqayn karin.

Wiilka uu dhalay AUN Cabdi Muruudi Dheere (AJAKIS) markii uu maydka aabihii la baxay, waxaa lagu qasbay in uu beeniyo in dowladdu ay ku amartay arrinkaas oo ay dhulka doonaysay, laakiin taa bedelkeeda uu iskiis ula baxay.

Maadaama ay ogyihiin in la aaminaynin, ayey madaxdii dawlada iska soo hormariyeen culimo si loo aamino. Waa arrin laga xumaado in culimadu ay noqoto marin wax lagu xalaalaysto.

Waxay madaxda dowladda maanta caddeeyeen in aan qowlkooda la aaminaynin, lana aami doonin. Waxa keli keli ah ee u haray ayaa ah in ay maalin kasta raadiyaan cid ay kaarkooda xoqdaan.

Waxay joogaan halkii uu Suubanaheennu (NNKH) ka yiri; “Haddii aadan sariig lahayn, waxaa doonto fal”.