Saddex arrin oo xasaasi ka ogow wada-hadalladii Shariif, Farmaajo iyo James Swan

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba madaxweyne oo hore ayuu durba toos ula xiriiray Ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan.

Labada nin ee mar wada shaqeeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa waayahan dambe siyaasad ahaan isku aragti ka ahaa inay qaldan tahay jihada uu dalka u wado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Markii QM si kumeel-gaar ah usoo magacawday Danjire James Swan waxaa durba bilaabatay dood ku saabsan in caalamka dareensan yahay culeyska kasoo socda Soomaaliya, halkaas oo aan haatan isku aragti laga aheyn qadiyaddaha waaweyn sida; dastuurka, haykalka dowladnimada iyo hanaanka doorashooyinka soo aadan.

Xafiiska QM ee Soomaaliya wuxuu sheegay in Danjire Swan uu kala hadlay Farmaajo iyo Sheekh Shariif xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka iyo sidii loogu midoobi lahaa mudnaanta.

Laakiin marka indhaha siyaasadda lagu eego xiriiradan waa inay saddex arrimood kugu soo dhacaan.

1. Waqtiga

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu dhawaan iyada oo la diidan yahay uu meel-mariyay afar cutub oo kamid ah dastuurka, haddana waxa uu durba u dhaqaaqay dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sharciga doorashooyinka.

Waa ogyahay madaxweyne Xasan in qodobbada uu hadda u socdo inay yihiin kuwo buuq badan oo aan ka dhib yareyn dastuurka, mucaaradkuna waa kasii digeen.

Inuu xilligaan Ergeyga QM raadiyo madaxdii hore ee dalka waxay muujineysa in beesha caalamka si dhab ah u qaadatay digniinaha laga bixinayo xukunka madaxweyne Xasan Sheekh iyo halista ka dhalan karta haddii aan laga heshiinin arrimaha waaweyn ee masiiriga.

2. James Swan Part 2

Kal hore Danjire James Swan wuxuu si dhow ula shaqeeyay mucaaradkii Farmaajo, illaa uu nidaamkaasi la gaaray in cadaadis caalami ah lagu saaro inay kasoo laabtan dariiqi ay ku socdeen, madaxweyne Farmaajo laga wareejiyo maamulkii doorashada dalka.

Hadda waxaa muuqata bilaabashada isjiid-jiid kale oo uu isla James Swan garwadeyn ka yahay.

3. Guda-galka marxaladdii mucaaradnimada

Sida ay sheegayaan wararka aan ka haleyno dhanka mucaaradka, xubnaha banaan jooga ah ee mucaaradka Soomaaliya ayaa damacsan inay toos ugu wareegaan gudaha dalka wixii ka dambeeya bisha July ee sanadkaan.

Xiriirada nuucaan ah waxay hordhac u yihiin muujinta in madaxweyne Xasan Sheekh ay kusoo food leeyihiin mowjado mucaarad ah oo waaweyn.