Xog: Maxaa keenay in Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ay isku rogaan Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Buuqa ka dhashay qorshahay ay xukuumadda federaalka ah ku dooneyso inay ciidanka Itoobiya uga saarto dalka ayaa weli taagan.

Labada hoggaamiye ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, Cabdicasiis Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay si buuxda markii hore u aqbaleen qorshaha xukuumadda ee bixitaanka ciidamada, balse ay isbeddeleen markii ay deegaanadooda ku laabteen.

Shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran waxaa la xasuusto in hal maalin la siiyay sharaxaad amni oo ay soo diyaariyeen xafiiska la-taliyaha amniga qaranka iyo wasaaradda gaashaandhiga.

Qeyb kamid ah sharaxaadaas waxay ka hadleysay bixitaanka ATMIS iyo sida ay dowladda damacsan tahay in loo maareeyo deegaanada ay ka baxayaan ciidanka, gaar ahaan deegaanada ay ka baxayaan kuwa Itoobiyaanka.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya oo wareysi bixiyay ayaa sheegay inay labadaasi maamul wax ka gaareen go’aanka ayna aqbaleen sida loo qorsheeyay fulinta bixitaanka ciidanka Midowga Afrika.

Dowladda federaalka waxay sheegtay in aanu qorshuhu aheyn in goobaha ay baneyn doonaan ATMIS inay la wareegto argagixisada, balse taas beddelkeeda uu socdo qorshe kale oo lagu geynayo ciidamo kale oo ka socda Midowga Afrika.

Midda gaarka la iskugu hayo oo ah Itoobiyaanka wuxuu La-taliyaha amniga ee madaxweyne Xasan Sheekh ku adkeystay inay Itoobiyaanka ka baxayaan dalka wixii ka dambeeya 31 December ee sanadkaan, oo aanay dalka sharci iyo sharci darro midna kusii joogi doonin.

Hal shardi ayaa jira oo Itoobiyaanka qeyb kaga ahaan karaan ciidanka cusub ee kasii howl-gali doona Soomaaliya, kaasina waa inay ka laabtaan heshiiska ay la galeen Somaliland ee la xiriira arrimaha badda.

In Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa heshiiska lagu bixinayo ciidanka shisheeye inay dib iska beddelaan waxaa lagu fasiri karaa mid muujinaysa saameynta ay Itoobiya ku leedahay gudaha dalka.

Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waa labada maamul goboleed ee ugu badan ee ay joogaan ciidanka Itoobiya.

Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen wuxuu dorraad la kulmay taliska ciidanka Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda amniga ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo sida loo sii dardar-gelin karo.

Kulanka Lafta-gareen iyo Itoobiyaanka ayaa muujiyey sida uu maamulka Lafta-gareen u diidan yahay inay Itoobiyaanka baxaan.

Marka halka sharciga caalamiga ah la eego waa adkaan doonta inay ciidanka Itoobiya iska joogaan Soomaaliya, oo ay diidaan amarka dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Mana cadda inay dhinaca kale aqbali doonaan shuruudda lagu xiray ee ah inay ka laabtaan heshiiska ay la galeen Somaliland, si uu ciidankooda uga sii howl-gallo Soomaaliya oo ay sheegeen in haddii ay kasoo wada baxaan inay halis ugu jiraan in argagixisada ay gudaha usoo gasho dalkooda.