Daawo: R/W Xamza Cabdi oo dalab u gudbiyey DDS

Jigjiga (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatah booqasho ku marayo dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa markale ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xamza Cabdi Barre ayaa shacabka iyo ismaamulka Soomaalida Itoobiya ka dalbaday inay kusoo biiraan dagaalka, isla-markaana ay qayb ka noqdaan howlgallada ka socda dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay tahay cadowga Ummadda Soomaaliyeed, loona baahan yahay in loo midoobo, si looga adkaado.

“Waxaan u nimid meeshaan inaan idin sheegno in la’idin baahan yahay in cadowgaas aan naga caawisaan naga kaalmeysaan, sidaad sheegteen cadow waxaa jira aan wada leenahay oo runtii ah argagixisada ee dhibaatada fara badan Ummadda Soomaaliyeed ku haayo muddada dheer idinkana waa dhoweyd idin soo hujuumay,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa dardaaran culus u jeediyey dadka shacabka ah,  wuxuuna ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo horumarka deegaanka.

“Waxaan ku talinayaa inaad midowdaan ood walaalowdaan oo aad xukuumad iyo shacaba gacmaha is qabsataan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo dhowaan ay toos isku wajaheen ciidamada Liyuu Boolis ee dowladda deegaanka Soomaalida iyo Al-Shabaab oo weerar ku qaaday qaybo ka mid ah dhulkaasi, kadib markii ay ka tallaabeen xadka u dhexeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya