Galmudug ma noqon kartaa maamulkii ugu horeeyay ee iska saara Al-Shabaab?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Galmudug ayaa ku dhawaaqday dagaal rasmi ah oo lala galayo kooxda Al-Shabaab, kaas oo loo sii dhex marayo ruuxiyadda qabiilka, sidii caadada u aheyd dagaalka socda maalmahaan.

Dhowr cisho oo ay wada-hadalo iyo shirar u socdeen siyaasiyiinta kasoo jeedo maamulka Galmudug ugu dambeyn waxaa lagu dhawaaqay in la aadaayo dagaal aan loo kala harin oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay dishay tobanaan kun oo Soomaali ah.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor hoggaamiyaha Galmudug, ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, ra’isulwasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Galmudug madax kasoo noqday, Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Senator Cabdixakiim Macalin Axmed, Xildhibaan Dhagey Geelle Ugaas, xildhibaan Odawaa, Xildhibaan Feysal Qorane iyo xubno kale oo reer Galmudug ah ayaa dhammaan kalmado ka yiri iclaaminta dagaalka Galmudug isaga saareyso kooxda Al-Shabaab oo deegaano muhiim ah ka heysata maamulkaan.

Qoor Qoor oo madasha ka hadlay wuxuu ballan qaaday in Galmudug noqon doonto maamulkii ugu horeeyey ee iska saara Al-Shabaab. Hoggaamiyaha Galmudug wuxuu ugu baaqay dadka reer Galmudug inay si dhab ah dagaalka ugu soo baxaan si gaar ah wuxuu weydiistay beelaha aan furinta ku jirin inay dagaalka si walba uga qebgalaan xoog iyo xoolo wixii ay awoodaan.

Marka Galmudug laga hadlayo, reer Cabudwaaq iyo reer Xiraale ayaa kamid ah beelaha aan furinta dagaalka Al-Shabaab deganeyn.

Hoggaamiyihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, isna wuxuu xoojiyey in dagaalka daacad laga noqdo, isagoo dib u milicsaday sida ay reer Galmudug u yihiin dad ku suntay guul xilliga dagaalka, wuxuuna muujiyey inay natiijada dhowdahay, haddii wadajir loo gacan saaro kooxda.

Ra’isul wasaarihii hore ee dowladda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo goobta ka hadlay wuxuu isna sheegay inay tagayaan furimaha dagaalka oo ay dhiira gelinayaan ciidanka u xil saaran inay Al-Shabaab ka saaraan dalka.

Marka la eego gunimada ay Al-Shabaab badeen dadka reer Galmudug, Rooble wuxuu sheegay in haddii odayaashii hore ee deegaanka lasoo nooleyn lahaa, inayba inkiri lahaayeen inay dadkaani dhashoodii yihiin.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo la filayo inuu qeyb ka noqdo hoggaamiyo ciidanka la rabo inay qabtaan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, wuxuu madasha ka sheegay in Al-Shabaab yihiin kansar ku yaala bulshada Soomaaliyeed, haddii aan la jarina inay kusii faafi doonaan bulshada.

Dhammaan fariimahaan iyo kuwa ay jeediyeen madaxda kale oo iyaguna madasha dagaal iclaaminta ka hadlay ayaa muujinaya in reer Galmudug dagaalka isla qaateen. Khudbadaha ka sokow waxaa la xaqiijiyey in laga heshiiyey howsha dagaalka iyo furimaha.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kaalin ku leh kulamadaan iyo qorshaha dagaal ee sida rasmiga ah uga bilaabanaya Galmudug, waxaa la filayaa maalmaha soo aadan in seddex aag oo Galmudug uu dagaal kaga bilowdo kooxda Al-Shabaab, taas oo su’aal culus gelineysa sida ay kooxda kusii joogi karto dhulka maamulkaas.