SOOMAALIDA saameynta ku leh siyaasadda Kenya ee xilalka sare loo magacaabay

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya William Ruto, ayaa qaar kamid ah xilalkii ugu sarsareyay ee dhinaca ammaanka iyo garsoorka u magacabay dad Soomaali ah.

Ruto ayaa dowladdiisa cusub waxaa saameyn balaaran ku yeelanayo siyaasiyiinta ka soo jeedda Soomaaliya, waxayna muujineysa dadaalka ay siyaasiyiinta Soomaalida ah ku bixiyeen soo dhisidda madaxweynaha cusub.

Hadaba maqaalkaan waxaan ku eegeyna siyaasiyiinta xilalka sar sare uu u magacaabay William Ruto,  kuwaas oo Soomaalida ah.

Amiin Ibraahim Maxamed

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, ayaa taliyaha hay’adda dambi baarista dalka Kenya u magacaabay 14-kii bishaan Aamiin Ibraahim Maxamed oo asalkiisa uu yahay Soomaali.

Aamiin ayaa noqonaya agaasimaha hadda dambi baarista Kenya ee Directorate of Criminal Investigations (DCI), waxaana uu kamid noqonaya dadka ugu saameynta iyo awoodda badan Kenya.

Soomaali kenyaankan Aamin Ibrahim Maxamed, ayaa badalaya agaasimihii hore ee hay’addaas George Kinoti, oo dhawaan xilkaas iska casilay.

Aamiin ayaa haysta darajada kaaliyaha sare ee kormeeraha guud ee booliska dalka Kenya, waxaana uu horay u soo noqday madaxa hay’adda DCI ee gobalka Rift Valley sanadkii 2007.

Soomaaligaan ayaa xilal kala duwan oo dhanka dambi baarista booliiska Kenya ah ka soo qabtay gobalada kala duwan ee dalka Kenya.

Nuur Gaabow

Waxaa golaha qaran ee adeegga booliiska dalka Kenya ay u magacaabeen Nuur Gaabow in uu noqdo kusimaha taliyaha guud ee booliiska dalka Kenya.

Ninkaan ayaa booliiska ku soo biiray sanadkii 1989-kii, markaas oo uu noqday askari kamid ah ciidamada booliiska dalka Kenya.

Magacaabista Nuur Gaabow ayaa timid kadib markii uu ku guulaystay xakameynta qalalaaso ka dhacday goobtii looga dhawaaqayay natiijada doorashada dalka Kenya ee uu dhawaan ku guulaystay William Ruto.

Gaabow ayaa xilka sii hayn doono inta laga ansixinayo taliyaha cusub ee Booliiska Kenya, ee uu dhawaan madaxweyne Ruto, u magacaabay Japhet Koome.

Koome ayaa doonaya kalsoonida golaha adeegga qaranka ee Booliiska dalka Kenya, si uu xilka ula wareego, waxaana hadda xilkaas sii haayo Nuur Gaabow.

Aadan Barre Ducaale

53-sano jirkaan saameynta ugu wayn dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay ku lahaa siyaasiyiinta dalka Kenya, ayaa loo magacaabay wasiirka difaaca Kenya.

Madaxweyne Ruto, ayaa  golahiisa wasiirada ku soo daray Aadan Barre Ducaale, kaas oo horay u soo noqday shaqsiga saddexaad ee ugu awoodda badan dalka Kenya.

Wasaaradda difaaca dalka Kenya, ayaa noqoneysa in markii labaad uu hoggaamiyo shaqsi Soomaali ah, kadib Maxamed Yusuf Xaaji, oo xilkaan u magacabay madaxweyne Muwai Kibaki, waxa uuna haayay xilka intii u dhaxeysay 2008-2013.

Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji

49-sano jirkaan ayaa loo magacabay xilka Dacwad oogaha guud ee dalka Kenya, waxaana xilkaan horay loogu magacaabay 2018-kii.

Nuuradiin oo kamid ah siyaasiyiinta saameynta ku dhex leh dhanka garsoorka ee dalka Kenya ayaa waxaa dhalay wasiirkii hore ee difaaca Kenya Maxamed Yusuf Xaaji.

Soomaali Kenyaankaan ayaa sidoo kale mudda dheer ka shaqeynayay howlaha dacwadaha iyo maxkamadaha dalka Kenya, waxaana.

Sikastaba waxaa sidoo kale jiro siyaasiyiin badan oo Soomaali ah, kuwaas oo xilal kala duwan looga magacaabay gudaha dalka Kenya.

Madaxweyne Ruto, ayaana u muuqda mid fursad fiican ka siinayo Soomaalida miiska talada ee dalka Kenya, halkaas oo aan looga baran in xilalka iyo go’aannada ugu dambeeya ee ay gaarto dowladda.

WQ: Abdirahman Sabriye