Daawo: Reer Muqdisho oo u abaal guday ciidanka sugay amnigooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeysay u abaal guday ciidanka boolis-miltaar ee loo xil saaray sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa saraakiisha ciidankaas lagu wareejiyey dhowr gaari oo sida agab kala duwan oo shacabka iyo maamullada degmooyinka gobolka Banaadir ay iska soo uruuriyeen.

Tan iyo markii ciidankaas lagu wareejiyey sugidda amniga Muqdisho oo la dareemay ififaalaha nabadda laga dareemay magaalada waxaa bilowday uruurinta deeq nooc walba leh oo ciidankaas ay u uruurinayaan shacabka iyo maamullada degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale iyo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Maxamed Yabooh iyo guddoomiyaha degmada Shibis oo aheyd halkii saldhigga u aheyd agabkaan laga soo uruuriyey shacabka Muqdisho ayaa saraakiisha ciidanka ku wareejiyey deeqdaan.

Guddoomiyaha degmada Shibis Cali Soomaali oo u xil-saaraa isku uruurinta abaal-marinta shacabka Muqdisho ay u garteen ciidankaan sugaya ammaankooda ayaa ugu horeyn goobtii lagu wareejiyey deeqdaan warbaahinta kula hadlay.

“Waxaan maanta wareejineynaa agab kala duwan oo dhamaadii bishii Ramadaan aan uruurintiisa soo bilownay, kaas oo la isugu keenay xarunta degmadaan Shibis, ciidanka oo baahi u qabay agabkaan ayaa horay nooga dalbaday,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Shibis.

Sarkaal ka tirsan ciidanka boolis-militaar oo agabkaan lagu wareejiyey ayaa ka mahad celiyey sida ay shacabka Muqdisho iyo maamulladoodu uga jawaabeen baahida ciidanka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa faahfaahiyey oo mid mid u tilmaamay alaabaha ay ku wareejiyeen saraakiisha ciidanka xasilinta caasimadda, isagoo sheegay in dalabka lagu soo uruuriyey deeqdaan uu markii hore ka yimid ciidanka.

Hoos ka daawo