Xogta taliye ku-xigeenkii militariga Somaliland oo isku dhiibay ciidamada SSC

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa maanta ciidamada Somaliland ee ka dagaalamaya aagga magaalada Laascaanood ka soo goostay sarkaal sare iyo ciidankiisa oo ku soo biiray ciidamada SSC.

Sarkaalka soo goostay waxaa lagu magacaabaa Janeraal Saleemaan Barre Geesood, wxuuuna ahaa Taliye ku xigeenka ciidamada Somaliland.

Sarkaalkaas iyo ciidamo uu watay ayaa waxaa maanta magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan xoogaga SSC.

Saraakiisha soo dhaweysay salkaalkaas iyo ciidamadiisa waa kuwii ciidamada Somaliland ka saaray Laascaanood, hadana kula dagaalamaya duleedka magaalada.

Janeraal Saleebaan Barre Geesood, taliye ku xigeenkii militeriga Somaliland markii uu soo goostay kadib wuxuu la hadalay warbaahinta, wuxuuna sheegay in isaga iyo ciidamada uu wato ay ku biiri doonaan dagaalka looga soo horjeedo Somaliland.

Horay sidaan oo kale saraakiil iyo ciidamo badan oo ka soo jeeda beelaha dega gobollada Sool iyo Sanaag ayaa uga soo goostay Somaliland, iyagoo ku soo biiray ciidanka u dagaalamaya qadiyadda SSC.

Somaliland weli kamaysan hadlin sababta ku kaliftay taliye ku xigeenkii militerigooda inuu u goosto SSC oo Laascaanood uu iska dhiibo.

Dagaalka ka socda gobolka Sool, gaar ahaan Laascaanood iyo hareeraheeda ayaa daba-dheeraaday, waxayna Somaliland cadeysay inaysan ka samri doonin dhulka SSC.

Dhankooda dadka u dhashay gobolladaas oo is abaabulay, dagaalna kala hor tegay ciidamada Somaliland ayaa wacad ku maray in aysan sii hoos joogi doonin xukuumadda Hargeysa.

Labadaas go’aan waxay sababeen dagaal culus oo xalkiisa la waayey, kaas oo weli ka socda aagga Laascaanood, hadda Somaliland waxaa laga saaray magaaladaas, balse waxay ciidamadeedu weli ku raja weynyihiin inay dib u hantay maamulka magaaladaas muhiimka ah.