Daawo: Rag arrin yaab leh sameeyay oo lagu qabtay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo xalay howlgal ka sameeyay degmada Kaaraan ayaa gacanta ku soo dhigay rag arrin yaab leh sameeyay, si ay magaalada Muqdisho u soo geliyaan maan-dooriyaha Xashiiska.

Raggan oo mootooyin ku waday maandooriyaha ayaa waxaa lagu soo bandhigay saldhigga booliska degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

War kasoo baxay taliska booliska ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanayaasha ay ku jiraan gacantooda, isla-markaana la horgeyn cadaaladda, si tallaabo looga qaado.

“Caawa oo Taariiqdu tahay 04/06/2023 abaaro 08:45 PM ayaa ciidanka boliiska saldhiga kaaraan  iyo ciidanka polis milataariyo ay gacanta ku soo soodhigeen maandooriye xashiish ah iyo eedeysanayaashii waday waxaana la waafujin doonaa cadaalada” ayuu yiri talisku.

Sidoo kale waxaa halka lagu soo bandhigay Xashiiskan tegay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir oo uu gu horreeyo Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Madaale, ku xigeenkiisa amniga iyo siyaasadda iyo sidoo kale taliyaha booliska ee gobolka Banaadir.

Yabooh oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkan, wuxuuna sheegay in ragga lasoo qabtay ay keeneen naqshada cusub oo ay rabeen inay Xashiishka ku soo galiyaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ayaa xusay in Xashiiska lagu cabeeyay jawaano, kadibna afka hore dhuxul looga shubay, si aan loo arkin.

 

“Waxaan halkan u nimid howlgal lagu soo qabtay waxyaabaha maanka-dooriya, gaar ahaan Hashiis oo jawaano waa weyn ku jira oo naqshaddii magaalada lagu soo gelin jiray la beddalay,” ayuu yiri  guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa moodaa kiishashkii lagu cabeyn jiray dhuxusha oo kale, afka horena inta dhuxul looga soo shubay intii kalena uu Xashiiska ku jiro”