Daawo: Al-Cadaala oo ka hadlay arrinta Cali Yare iyo dagaalkii MASAGAWAAY

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumada Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo wareysi gaar ah siiyay Universal Tv ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, sida arrinta Facebook ee Cali Yare Cali iyo sidoo kale dagaalkii dhowaan ka dhacay deegaanka Masagawaa oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Al-Cadaala ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya ay Facebook-ga ka xirtay siyaasiga Cali Yare oo si weyn u dhaliila dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

“Annaga sideeda qof shaqsi ah oo aan beegsano ma jirto waxaasna kama shaqeyno. Facebook iyo annaga heshiis ayaan ku jirnaa, waxaana is fahan ka gaarnay waxyaalaha aan shuruucdooda waafaqsaneyn aan loo ogolaan in Soomaaliya laga isticmaalo,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas sii raaciyay “Ma war-sano habeel noo xira, habelna noo soo daaya annaga baahi uma qabno, iyagana uma qabaan”.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka dowladda uu yahay beegsiga baraha Al-Shabaab ee Internet-ka. ama kuwa taageera, si looga hortago faafinta farriimahooda.

“Haddii lasoo helo Facebook ay leeyihiin Al-Shabaab oo jira hal bil waxa aan sheegeyno waa been, way abuuraan waana xirnaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale, wasiirka ayaa soo hadal qaaday weerarkii maalmo ka hor ka dhacay gudaha deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud, kaas oo dhaliyay khasaare lixaadleh.

Wasiir Al-Cadaalla ayaa sheegay in weerarka kadib ay dhaceen illaa saddex dagaal, isaga oo qiray in looga dilay 9 askari, gaadiidna looga gabay, isaga oo dhinaca kale sheegay inay Al-Shabaab ka dileen 150 xubnood oo kamid ahaa dagaalyahanada weerarka soo qaaday.

“Ciidan illaa 9 askari ayaa halkaasi ku shahiiday, sidoo kale tiro dhaawacyo ah ayaa jiro dhankooda illaa 150 ayaa dagaalladaas uga dhintay,” ayuu yiri C/raxmaan Al-Cadaala.

“Goobtii iyo dhulkii lagu dagaalamay oo dhan waxaa hadda jooga ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed,” ayuu mar kale wareysigan ku yiri wasiir Al-Cadaala.