Kulankii Golaha Shacabka oo hal arrin darteed u baaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa u baaqday hal sabab darteed u baaqday, taas oo kooram la’aan kadib markii ay soo xaadiri waayeen fadhiga tiro xildhibaano ku filan, si uu fadhigu u furmo.

Tirada kulankan soo xaadirtay ayaa noqotay 103 xildhibaan oo kaliya, taasi oo keentay in guddoonka Golaha Shacabka uu soo xiro fadhiga, isla-markaana uu digniin culus u diro xildhibaanada maqnaaday fasax la’aanta.

Waxaa uu Golaha laga hor aqriyay qaar ka mid ah magacyada Xildhibaannada maqan oo lagu sheegay in intooda badan ay joogaan magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Abshirow oo si adag uga hadlay arrintan ayaa shaaca ka qaaday in lala xisaabtami doono xildhibaanada maqan.

“Maanta kadib waxaa inoo bilaabanaya xildhibaanada imaada iyo kuwa maqan inay isku xuquuq noqoneyn bishaan marka ay dhammaato,” ayuu yiri Cabdullaahi Bashirow.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in uusan jirin doonin xad-gudub xildhibaanada ah, isla-markaana tallaabooyinka ay qaadayaan ay u marayaan xeer hoosaadka u degsan golaha

“Xildhibaan lagu xad-gudbaayo ma jiro, xeer hoosaadka waxa ku qoran lee mareynaa,” ayuu sii raaciyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintan si adag uga hadlay, maadaama kulamo badan hore ay sidaan oo kale ugu baaqdeen kooram la’aan.

“Waa mas’uuliyad darro in kulanka baarlamaanka uu u baaqdo kooram la’aan” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare oo kamid ah xubnaha ka hadlay baaqashada kulankii maanta.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan waxaa hortaalo shaqo culus, waxaana maalmihii u dambeeyay ay ka doodayeen wax ka beddal lagu sameynayo dastuurka KMG ah.