Dalxa oo ka falceliyay hadalkii madaxweyne Laftagareen

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ahaa baarlamaankii 10-aad ee dalka ayaa u jawaabay madaxweynaha dowlad goboeedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen oo si lama filaan ah uga hadlay doorashadii u dambeysay ee uu xildhibaano badan ku reebay, kuwaas oo uu kamid ahaa Prof. Dalxa.

Laftagareen oo khudbad jeediyay ayaa a sheekeeyay arrimo cajiib ah oo isagu sameeyay intii ay socdeen doorashooyinkaasi oo ahaa kuwa dadban, isaga oo sidoo kale tilmaamay inuu madaxweynaha Koonfur Galbeed uu u noqday kaliya inuu soo saaro xildhibaano iyo kuwa kalena uu reebo.

“Aniga waxaan u noqday madaxweynaha Koonfur Galbeed waxa ay ahayd in aan xildhibaano soo saaro qofna aan iraahdo waxba ma lihidee iska bax, qofna aan dhaho waxbaa leedahay intaas ayaan rabaa haddii aanan sameyn karin oo wixiiba shacab ay qabsanaayaan maxaan madaxweyne kasoo doonay”” ayuu yiri Cabdicasiis Lafta Gareen

Dalxa oo ka falceliyay hadalkan ayaa ugu horreyntii nin geesi ah ku tilmaamay madaxweyne Laftagareen, maadaama buu yiri uu qirtay khaladkii uu galay.

“Marka ugu horreyso waxaan leeyahay madaxweyne Laftagareen marka loo fiiriyo raggii kale ee dambiga la galay wuxuu muujiyay geesinimo, inuu taas u bareerana waa raganimo,” ayuu yiri xildhibaan hore Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Wixii dhacay waxay ahaayeen wax khaldan, mar kalena in lagu noqdo ayaan ka digeynaa”.

Maxamed Cumar Dalxa oo hadalkiisa sii wata ayaa soo jeediyay in la’iska wada cafiyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, maadaama wixii dhacay uu ka garaabay.

“Wuxuu mudan yahay aniga iyo dadka ila midka ah wixii dhacay Ilaahey dartiisa inay iska cafiyaan” ayuu mar kale wareysigan ku yiri Dalxa.

Hadalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo haatan heshiis rasmi ah laga gaaray doorashada soo socota, taas oo noqoneyso qof iyo cod, sida ay ku heshiiyeen Golaha Wadatashiga Qaranka.