Daawo: Rooble oo shaaciyey tallaabooyinka la qaadayo kadib xukunkii kiiska badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyay munaasabad soo dhaweyn ah oo u qabtay Ergadii Soomaaliya ee Kiiskii difaaca baddeenna ayaa sheegay in loo baahan yahay fulinta xukunka maxkamadda ICJ.

Rooble ayaa ugu horeyntii u mahad-celiyay dowladihii iskaga dambeeyay tallada dalka ee doorka muuqda ku lahaa kiiska badda, isagoona farxad weyn ku tilmaamay in aan leenahay xuduud baddeed cad.

“Guushii maxkmadda maxaa ku xiga? waxaa ku xiga fulinteeda oo u baahan dad sax ah oo ka shaqeeya oo hore u sii wado waxa ay walaalaheen soo hooyeen.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan-qaaday in ergadii Soomaaliya ee kiiskaas uu garab ku siin doono si loo helo nidaam cad iyo hab fulineed oo ku aadan dhulka maxkamadda ay inta badan u xukmisay Soomaaliya.

“Waxaa loo baahan yahay oo ballan-qaadaya ergadii ka qeyb-gashay oo soo hoysay guushaas taariikhiga ah aan garab ku siiyo istiraatijayad iyo nidaam cad oo lagu fulinayo inta noo hartay oo ah in la fuliyo xukunka maxkamadda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Dowladda Kenya ee deriska nahay waa dad aan deris nahay waa isku qasbanahay in aan ka shaqeyno wada-noolaasho, daris iyo nabad ku wada noolaano, waxaana cadeynayaa in shacabka Soomaaliyeed diyaar u yihiin in aan ka helno dadka aan deriska nahay ee Kenya.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumaddiisa ay dadaal badan ku bixineyso dhammeystirka doorashada, si looga faa’iideysto waqti kooban ee haray.

“Habeen kasta waxaan ku duceystaa in doorashada ay soo geba-gabowdo, iyada oo aysan cidna xag-xageyn, cidna waxba u dhimin, sidoo kale aysan jirin cid dhibaato loo geysto,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayey doorashooyinka.