Muuse Biixi oo markii ugu horreysay ka hadlay dadka laga raafay SOMALILAND, sheegayna arrin yaab leh

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dadka kasoo jeeda Koonfur Soomaaliya ee deeganadooda ka musaafurineyso, kuwaasi oo u badan dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Muuse Biixi ayaa sheegay arrin yaab leh oo ah sababta dadkaas loo musaafurinayo, taasi oo ah markii xukuumadiisa ay awoodi kari weyday sugida amnigooda, taasi oo ka duwan sababtii ay markii hore sheegeen mas’uuliyiinta kale ee Somaliland oo aheyd in dadkaas ay halis ku yihiin amniga Somaliland.

“Anaga waa qaadi kari weynay miisaankooda nabad-galyo ahaan iyo dhaqaale ahaan, waxaa saarnay in ka badan 30 gawaadhi ah, waxaana gaadhi walba oo la saaray waxaa ka bixinay 1,300 oo dollar waxaana saarnay xataa daawo,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in gawaadhida ay ku musaafuriyeen dadkii kasoo jeeday Koonfur Galbeed ee ku sugnaa Laascaanood la socdeen ciidamo suga amnigooda illaa inta ay ka gaarayeen xuduuda maamulka Puntland.

“Gobolada kale ee aad u hadlaya ee leh waa soo dhaweynayna (dadkaas) ee ka tirsan Soomaaliya, waxaa leenahay 30 sanno ayey joogeen oo majiro qof reer Baydhaba ah oo lagu dilay Somaliland oo hanti laga dhacay majiro.”

“Puntland oo aad durbaan u tuntay, iyadu maalin qudha ayey 17 cunug oo labaatan gaarin intay soo qabteen yiraahdeen dil baa ku xukunay oo iyaga wax dilayey.”

Madaxweynaha Somaliland ayaa ku eedeyay madaxda dowladda Soomaaliya inay dayaceen Shacabkooda oo maalin kasta lagu xasuuqo magaalada Muqdisho.

“Xamar ka hadli maayo oo af aan kaga hadlo iima banaano, meel dhiiga bini-aadamka laga baayac-mushtarayo, kuwa ugu dulmiga badan ee lagu laayo waa dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in la buun-buuninayo musaafurinta dadkaas oo uu ku dooday inay si wanaagsan oo bini-aadantimo uga saareen deegaanadooda, islamarkaana ay kharash badan geliyeen daad-gureyntooda.