Maareeye oo dacwad ka gudbiyey Suldaan Maxamed kadib lacagtii Imaaraadka ee uu shaaca ka qaaday (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu xeer ilaalinta qaranka u gudbiyey dacwad ka dhan ah Suldaan Maxamed Jaamac Cumar oo uu u jeediyey eedeymo culus.

Maareeye ayaa sheegay in Suldaan Maxamed Jaamac uu mar kasto aflagaadooyin kula kaco dad mas’uuliyiin oo uu isagu ka mid yahay, isla-markaana ay kula xisaabtamayaan.

“Maanta halkan xeer ilaalinta qaranka waxaan ku xareynay gal-dacwadeed lambarkiisu yahay G12377 oo ah dacwad lid ku ah ninka aan kor kusoo sheegay,” ayuu yiri Maareeye.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray “Waxaan rajeyneynaa inaanan wixii hadda ka dambeeya horgeyn doono sharciga, si looga qaado tallaabo sharci ah,”.

Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Suldaan Maxamed Jaamac Cumar uu horay uga tirsanaa ciidamada badda Somiland, isla-markaana ay soo adeegsadeen dad kale, sida uu hadalka u dhigay Maareeye.

“Koley dadbaa noo soo adeegsaday, laakiin hadda wixii ka dambeeya waa lagula xisaabtamayaa,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dhowaan Suldaan Maxamed Jaamac uu weerar afka ah ku qaaday Boqor Buurmadow iyo siyaasiyiin kale oo uu ujeediyey dhaliilo xoogan.