Lubnaan oo qarka u saaran dagaal Shiico iyo Kirishtan ah – Maxaa la isku hayaa?

Beirut (Caasimada Online) – Madaxa xisbiga Ciidamada Kirishtanka Lubnaan (LF) ayaa Jimcihii beeniyey in kooxdiisa ay qorsheysay rabshado ka dhacay waddooyinka magaalada caasimada ah ee Beirut oo ay ku dhinteen toddoba qof, wuxuuna sheegay in kulan ay yeesheen maalin kahor uu ahaa mid siyaasadeed oo kaliya.

Rabshadaha oo dhacay Khamiistii ayaa billaabmay markii shacabka ay ka qeyb-galeen banaanbax ay ku baaqday kooxda Shiicada ah ee Xizbullah oo looga soo horjeedoay garsoore baaraya qaraxii dekedda Beirut ka dhacay sanadkii tegay.

Waxay ahaayeen rabshadihii ugu xumaa ee Lubnaan ka dhacay muddo tobanaan sano ah, waxayna dib usoo nooleeyeen xusuusta dagaal diimeedkii dalkaas ka dhacay 1975 illaa 1990.

Samir Geagea ayaa u sheegay raadiyaha Voice of Beirut International in kulan ay Arbacadii yesheen kooxaha ku mideysan xisbiga LF uu ahaa mid ku saabsan waxa la sameyn karo haddii uu guuleysto isku dayga ay Xizbullah ku tuureyso garsooraha.

Geagea ayaa sheegay in arrinta la isku raacay ay aheyd in la sameeyo shaqo joojin dadweyne, islamarkaana aysan jirin wax kale.

Kooxda Xizbullah ayaa Jimcihii sare u qaaday eedeymaha ay u jeedineyso LF, waxayna sheegtay in dhimashada toddobada qof ee Shiicada ah ay dalka ku jiideyso dagaal sokeeye.

Rabshadaha oo ka dillaacay xuduudda xaafadaha Kirishtanka iyo Shiicada ayaa sii kordhiyey wallaaca laga qabo xasilloonida dalka Lubnaan, oo ah dal ay shaca badan hub haystaan, kaasi oo hadda wajahaya xaalad dhaqaale xumo.

Mar waxa laga weydiiyey haddii joogitaanka xubno ka mid ah kooxda LF ee xaafadaha Ain al-Remmaneh iyo Teyouneh ee markii toogashada ay dhacaysay, ay la macno tahay in dhacdadan ay qorsheysneyd, Geagea ayaa ku jawaabay in mar walba xaafdahaas joogaan xubno ayaga ka mid ah.

“Ciidamada waxay xireen dadka toogashada sameeyey, marka middaas ayaa kala caddeyn doonta inay annaga naga tirsanaayeen iyo in kale,” ayuu yiri.

Qiyaastii 19 qof ayaa illaa hadda loo xiray dhacdadan. 

Geagea, oo xisbigiisa uu xiriir dhow la leeyahay Sacuudi Carabiya, ayaa cambaareeyey madaxweyne Michel Aoun, oo ay taleefon ku wada-hadleen.

Aoun, oo xisbigiisa FPM uu yahay midka ugu weyn kirishtanka Lubnaan, ayaa xulufo la ah Xizbullah. 

“Ma jecleysan taleefonkan, waayo Aoun wuxuu sameeyey eedeymo la mid ah kuwa Xizbullah,” ayuu yiri Samir Geagea.