Puntland oo go’aan kasoo saartay 14 nin oo loo haystay inay yihiin AL-SHABAAB

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xorriyadooda u celisay 14 nin oo ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab, kuwaas oo muddo u xirnaa inay weeraro ka geysteen maamulkaasi.

Guddoomiyaha maxkamadda Gaashaanle Dhexe, Cabdiraxmaan Warsame Jaamac oo ku dhowaaqay go’aanka maxkamadda ee lagu sii daayey raggaasi ayaa sheegay in lagu waayey 14-kaasi nin dambiga lagu soo eedeeyey ee ah inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

“Maxkamaddu waxa ay xorriyadooda siisay afar iyo tobankaas nin taliyaha xabsiga, taliyaha saldhigga cirka waxaa la la farayaa in ay xabsiga ka sii daayaan eedeysanayaashaasi afar iyo tobanka ah. Waa billaahi towfiiq,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Warsame.

Ragga lasii daayey ayaa kala ah:-1- Cabdiqaasim Maxamed Cabdulle, 2- Maxamed Careys Faarax, 3- Najiib Xuseen Cali, 40- Maxamed Cusmaan Ibraahim, 5- Ismaaciil Axmed Maxamed, 6- Xuseen Maxamed Xuseen, 7- Aadan Bashiir Cabdi, 8- Jaamac Dayib Xaaji Maxamuud, 9- Deeq Jaamac Xasan, 10- Cismaan Cabdiraxmaan Shaafici., 11-Isaaq Xasan Aadan Shariif, 12- Cabdi Maxamed Isaaq, 13- Cabdulllaahi Muyxadiin Cabdullaahi iyo 14- Mustafe Ismaaciil Aadan.

Qaar ka mid ah raggaan oo la hadlay wariyeyaasha, kadib markii ay dib u heleen xorriyadooda ayaa shaaca ka qaaday inay aad ugu faraxsan yihiin go’aanka maxkamadda, waxaana ay u mahadceliyeen dhammaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay sii deyntooda.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen  in si wanaagsan loola dhaqmay muddadii ay xirnaayeen, gacantana ugu jireen ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland.

Puntland ayaa horey xukuno kala duwan ugu ridday shaqsiyaad lagu helay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo lagu qabtay howl-gallo ka dhacay maamulkaasi.