Ninka lagu tuhmayo dilka xildhibaan David Amess oo noqday wiilka mas’uul xilal kasoo qabtay Soomaaliya

London (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka UK ayaa shaaca ka qaaday magaca ninka Soomaali British-ka ah ee lagu tuhmayo dilka xildhibaan David Amess oo Jimcihii lagu dilay toorey, deegaanka Leigh-on-Sea oo qiyaastii 65 km u jirta London. 

Tuhmanaha ayaa waxaa lagu magacaabay Cali Xarbi Cali, waxaana dhalay Xarbi Cali Kulane oo xilal dowladeed kasoo qabtay Soomaaliya, sida ay qoreen Wargeysyada The Sunday Times iyo Daily Mail.

Xarbi Cali Kulane, wuxuu horey usoo noqday agaasimaha warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha ee xilligii Cumar Cabdirashiid. Wuxuu sidoo kale 2014-kii soo noqday wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Galmudug.

Cali Xarbi Cali – oo weli aan dacwado lagu oogin – ayaa waxaa su’aalo weydiinaya booliska si loo ogaado haddii uu xiriir la leeyahay kooxaha argagixisada caalamiga ah.

Ilo-wareedyo amni oo xog-ogaal ah ayaa wargeyska Daily Mail u sheegay in Cali uusan ka mid aheyn dadka ay isha ku hayeen sirdoonka gudaha UK ee MI5, inkasta oo sanado kahor ay beegsadeen Prevent, oo ah barnaamijka dowladda ay ku beddesho dadka la xagjireeyey.

Warbixino horduhac ah ayaa tilmaamaya in Cali uu weerarka kaligiis qaaday, islamarkaana isaga kaligiis uu xagjir noqday kahor weerarka.

Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in tuhmanaha uu ku nool yahay London, islamarkaana uu tareen u raacay magaalada Essex si uu weerarka uga fuliyo. 

Waxaa la sheegay inuu weerarka qorsheeyey toddobaad ka hor, islamarkaana uu ballan u goostay inuu ka qeyb-galo kulan uu qabanayey xildhibaanka.

Afhayeen u hadlay booliska Scotland Yard ayaa yiri “ayada oo qeyb ka ah baaritaanka, waxaan tagnay saddex guri oo ku yaalla hareeraha London oo aan baaritaano ka sameynay.”

Dhinaca kale, dambi-baarayaasha ayaa loo ogolaaday in illaa Jimcaha ay xabsi kusii hayn karaan Cali, ayaga oo aan dacwado rasmi ah kusoo oogin.

Sir David Amess ayaa kulan weji-ka-weji ah la lahaa dadka soo doorta, markii Cali Xarbi Cali oo dilka lagu tuhmayo, uu billaabay weerarka mindida oo ka dhacay magaalada Leigh-on-Sea, oo qiyaastii 65 km u jirta magaalada London.

Tuhmanaha ayaa Amess oo 69 jir ahaa mindida ku dhuftay 12 jeer, wuxuuna ku dhintay goobta.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Cali markii uu weerarka fuliyey oo uu mindida kala daalay Sir David uu muddo shan daqiiqo ah dul taagnaa, illaa ay ka yimaadeen booliska, oo kadib ka qaaday mindida islamarkaana xireen.

Sir David ayaa ahaa nin u ololeeya in la caawiyo dadka qaxootiga ah.

Sir David Amess ayaa ka tegay shan caruur ah, wuxuuna dhowr toddobaad un kahor guuriyey gabadhiisa Alex, oo 31 jir ah.