Daawo: Rooble oo sheegay in reer Galmudug ay ku jiraan xaalad aysan u qalmin

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Dhuusamareeb ku sugan ayaa ka hadlay shirkii maanta u soo idlaaday siyaasiyiinta reer Galmudug, kaas oo laba maalmood ka socday madaxtooyada Galmudug.

Rooble ayaa sheegay in Dhuusamareeb ay u tegeen inay Galmudug ku garab istaagay sidii looga xoreyna lahaa Al-Shabaab, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in maanta ay Al-Shabaab dhul ka tirsan Galmudug dad aan waxaba galabsan ku dilayaan.

“Awooweyaasheenii hore hadey maanta ogaan lahaayeen xaaladda aan ku jirno iyo sida Shabaab noo gelaayo, waxay ku dhaara lahaayeen in aysan na dhalin, gacmahaa isku kaana kor saran diyaarna uma nihin dagaal, runtii taas nalaguma aqoon,” ayuu yiri Rooble.

Wuxuu sheegay in shirkaan ay ku go’aamiyeen in dhamaan siyaasiyiintu ay tagaan furimaha dagaalka ee Galmudug, “Waxaan diyaar u ahay in jiida hore aan tago oo Madaxweynaha ku taageero hoggaaminta howlgalka,” ayuu yiri.

Siyaasiyiinta kale ayuu ugu baaqay in nin kasta uu deegaankiisa ka xoreysto Al-Shabaab oo dadkiisii uu dib ugu laabo, “Anigu gobollo kale waan tegayaa, laakiin Galmudug waa bud dhigeygii oo ayadaan ka bilaabay hadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Rooble.

Ugu dambeyntii Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka uga mahad celiyey dagaal gelinta dadka iyo ciidanka qaranka, si looga guuleysto dhibaatada dhowka sano ay dalka ka wado kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka daawo