DF oo war cusub ka soo saartay go’aankii xalay ka soo baxay dowladda Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay tallaabada ay dowladda Mareykanka  cunaqabeteynta ugu soo rogtay shakhsiyaadka dhanka maaliyadda iyo saadka ka taageera kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu lagu faray in laamaha kala duwan ee dhaqaalaha Soomaaliya inay ka fogaadaan la macaamilka iyo wada-shaqeynta shakhsiyaadkan ‘dembiileyaasha ah’ ee ku xusan liiskan cunaqabateynta.

‘Tallaabadan ay xukuumadda Washington qaaday ayaa ka dhalatay baaritaano ay si wadajir ah u wadeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Mareykanka, waxayna qeyb ka tahay dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada sida khaldan diinta Islaamka u adeegsaneysa, baneysateyna dhiigga Muslimiinta aan waxba galabsan,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Wuxuu go’aankan ku soo beegmayaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhowaan soo saartay awaamiir loogu digayo cid kasta oo dhaqaale ama lacago u uruurineysa argagixisada.

“Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ay daashadeen gabbood-falada ay argagixisada ka wadaan dalka ayaa guulo waaweyn ka soo hoyay dagaalka ay kula jiraan kooxaha arxan-laaweyaasha ah ee diinta Islaamka ku gambaneysa,” ayuu lagu yiri warka dowladda ka soo baxay.

Ugu dambeyntii waxaa war-saxaafadeedkaan lagu yiri, “Khasaaraha maliishiyaadka Khawaarijta la gaarsiiyay ayaa isugu jira dhimasho, dhaawac iyo qaar kale oo badan oo isa soo dhiibay ama la qabtey.”