Daawo: ROOBLE oo u baxay SAFAR dalka dibaddiisa ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Britain, halkaas oo uu uga qeyb galayo shir caalami ah.

Shirka uu Ra’iisul Wasaaraha uga qeyb gelayo London ayaa waxaa looga hadlayaa sidii sare loogu qaadi lahaa “tayada waxbarashada carruurta” sida lagu sheegay qoraal goordhaw ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Britain, halkaas oo uu uga qeyb galayo Shirka Caalamiga ah ee sara u qaadista tayada waxbarashada carruurta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha lagu sheegay in Rooble uu kulan la qaadan doono dhigiisa dalka Ingiriiska, Boris Johnson.

Inta uu Ra’iisal Wasaaraha ku sugan yahay dalkaas waxa kale oo uu kulamo docoodyo kala duwan la qaadan doono Madax iyo Mas’uuliyiin kale oo ayaguna qeyb ka ah shirkaasi caalamiga ah.

Hoos ka daawo Afhayeenka xukuumadda Macalimuu