Daawo: Rooble oo war cusub kasoo saaray habraaca doorashada ee muranka dhaliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo galabta la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka ayaa sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay guddiyadaan, in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay Guddiyada ayaa ka hadlay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

• Qaabka soo xulista ergooyinka iyo doorka odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah
• Xaqiijinta Qoondada haweenka ee 30%
• Dhaqaalaha ku baxaya doorashada
• Wadashaqeynta guddiyada doorashada iyo xallinta khilaafaadka iyo arrimo kale oo khuseeya doorashada  iyo hufnaanteeda.

Waxa uu sheegay in doorashadaan ay ka casrisan tahay tii 2016-kii oo awooda ugu badan ay siineyso qabaa’ilka iska leh go’aan ka gaaridda kuraasta xildhibaanada golaha shacabka, isagoo kala dhigdhigay qaabka ay ergooyinku uga kala imaanayaan beelaha iyo bulshada rayidka.

“Waxaa laga saxay habraacii u dambeeyey cida soo xulaysa odayaasha dhaqanka, duubabka iyo bulshada rayidka, yaa hubinaaya? Waxaa loo baahday in la ogaado cidda hubineysa, waxaana la isku raacay in hubinta aan loo dhiibin dowlad goboleedka ama Rooble, balse loo daayo guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed,” ayuu yiri R/Wasaare Rooble.

Sidoo kale waxuu sheegay in dhaqaalaha doorashada ay hadda ku wareejiyeen guddiga doorashooyinka heer federaalka, isla markaana wixii dhaqaale kale ah oo loo baahdo la isaga imaan doono.

“Bajadka doorashada waan qoondeynay, guddiga FEIT ayaan hadda ku wareejinay, miisaaniyadda doorashada hadda kadib FEIT ayaa masuul ka ah, waxii caqabad ah anaga ayuu noo soo gudbinayaa, waa ognahay kharashku kuma filaanayo, hadda waxaan qorsheynay 26 Milyan, laakiin baahiyo ka badan waa soo bixi karaan,” ayuu yiri Raiisul wasaaruhu.

Waxa uu sheegay in mar kasta ay wadahadlaan isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada, isagoo guddiga kula dardaarmay inay kula soo noqdaan wixii ay xali waayaan, si golaha uu ula wadaago.

“Ishaan idinku hayaa wadashaqeyn xumo uma dul waadan doono, hala kala dambeeyo oo halaga gudbo wax kasta oo horay u dhacay, habraacii u dambeeyey waxaba kama bedelin heshiiskii doorashada ee 17-September, kala dambeyntaa iigu muhiimsan aniga,” ayuu yiri mar uu aad ula dardaarmaayey guddiyada uu la kulmay.

Waxa uu sheegay in Khamiista soo socota uu gudbin doono jadwalka ugu dambeeya ee doorashada, isla markaana Sabtiga soo socda uu doonayo inuu bilaawdo wajiga labaad ee doorashada.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ka hadlay baaritaanka la marayo ee CID-da, isagoo sheegay inay waajib tahay in la maro baaritaan, maadaama uu dalku ku jiro xaalad amni.

“Musharaxiintu waa igala hadleen arrinta baaritaanka, tuhuney ka muujiyeen, waa igala dardaarmeen, waxay iga codsadeen inaan caqabad looga dhigin, ishaan ku heyneynaa, ka guddi ahaana waa inaad isha ku heysaan arrintaas, cid baaritaanka caqabad looga dhigi karo ma jirto,” ayuu yiri.

Rooble ayaa cadeeyey in doorashada loo haki doono qofkii ay ku dhegto hey’adda dembi barista, “Idinka laakiin waxaan idinka rabaa nadiif inaad ahaataan, mas’uuliyadaa iga saaray inaan isha idinku haayo oo dhaqdhaqaaqiina aan la socdo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray RW Rooble.

Mar uu soo hadal qaaday doorashada Somaliland waxa uu sheegay in habraacii u dambeeyey uu dhigayo in liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee Somaliland ay soo xulayaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, isla markaana uu isagu ka hubinayo, uusana ogolaa doonin in garab uu garabka kale ku dulmiyo doorashada.

Hoos ka daawo RW Rooble