Villa Somalia oo kursiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxow u sharaxday siyaasi caan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa maanta shaaciyey inuu u taagan yahay kursiga Aqalka Sare ee uu xiligan ku fadhiyo Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, ayada oo la filayo in madaxweyne Guudlaawe uu dhowaan soo saaro liiska musharaxiinta.

Cabdullaahi oo shalay lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar ayaa ka dalbaday xildhibaanada maamulka HirShabelle iinay u codeeyan, uguna shaqeyn doono kursigaas, islamarkaana uusan u adeegsan doonin dano gaar ah, sida uu sheegay.

“Jowhar waxaan u imid inaan u tartamo Kursi kamid ah doorashada Aqalka Sare, waxaa rabaa in aan ka gudbo kursi jufo keli ah u xiran. Waxaan codsi u dirsanayaa saaxiibadeey xildhibaanada HirShabelle in ay codkooda i siiyaan, anigoo u ballan-qaadaya in aan maamulka ugu shaqeyn doono,” ayuu yiri.

Musharaxnimada Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa imanaysa xili uu madaxweynaha maamulka HirShabelle iska diiday inuu ka reebo liiska musharaxiinta Aqalka Sare Muuse Suudi, taasi oo ay ku cadaadinaysay Villa Somalia, sida ay Caasimada Online u sheegen ilo xogogaal ah.

Sida la sheegayo qorshaha Villa Somalia ee kursigaas ayaa hadda ah in loolan adag lala galo Muuse Suudi, maadama ay ku guul-dareysatay in Guudlaawe uu ka reebo liiska, waxaana ay soo sharaxday oo ay gadaal ka riixeysa Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Sidoo kale, Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle, halkaasi oo dhowaan la filayo inay ka dhacdo doorashada Aqalka Sare.

Muuse Suudi ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Jowhar, waxaana ka qeyb qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Maamulka degmada, qeybaha bulshada iyo barbaarta gaashaaman.

Caasimada Online ayaa og in Cabdullaahi Sheekh Xasan uusan wax taageero ah ka haysan beesha Wacbuudhan ee kursigan leh, waxaana looga dhex arkaa adeege ay leedahay Villa Somalia, oo aan sharaf iyo qiyam ku dhex laheyn beesha.