Dowladda UK oo shaaca ka qaaday walaac ku saabsan Al-Shabaab iyo doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Kate Foster oo Wareysi dhinacyo badan taabanaya siisay Idaacadda Goobjoog ayaa ka hadashay arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashooyinka ka socda Soomaaliya iyo walaaca laga qabo in Al-Shabaab ay saameyn ku yeelato.

Kate Foster oo wareysigaan lagu weydiiyey heerka cabsida laga qabo in ay ururka Al-Shabaab saameyn ku yeeshaan doorashooyinka ka socda Soomaaliya ayaa muujisay walaac weyn oo la qabo, iyadoo sheegtay in wax kasta ay macne u yeeli doonaan hanaanka ergooyinku wax u soo dooranayaan.

“Waa walaac jira waxaanse isleeyahay waxa muhiimka ah waa geeddi socodka ergada wax dooraneysa oo sida wax loo dhigo ay macne u sameyneyn doonto, waxaan rajeynayaa inay dhici doonaan wadahadallo ay horkacayaan dadka Soomaaliyeed, si loo helo nidaam ay dadku ku codeeyaan, waana nidaam aan hadda ku jirin geedi socodka doorashooyinkaan socda,” ayey tiri.

Waxay sheegtay in tan iyo markii la gaaray heshiisyadii doorashada 17 September sanadkii hore iyo midkii 27-kii May ee sanadkaan, ay dowladda UK oo taageero ka heleysa deeqbixiyayaal caalami ah ay Soomaaliya ku taageertay lacag gaareysa $7.2 Milyan.

“UK kaalin kuma laha sida doorashada u dhaceyso waana arrin ay u madax bannaan yihiin dadka Soomaaliyeed, Waxaan isleeyahay annaga waxyaabana aan daneyno waa ilaalinta horumarka Soomaaliya ay sameysay 10-kii sano ee ugu dambeeyey, gaar ahaan guusha laga gaaray deyn cafinta iyo horumarka laga gaaray sidii loo heli lahaa dhaqaale ka yimaada caalamka, si gaar ah caafimaadka iyo waxbarashada, Soomaaliyana waxay ku taagan tahay waddadii ay u xaqiijin lahayd deyn cafintaas,” ayey tiri.

Sidoo kale waxay sheegay in UK ay horay u garab taagneyd doorasho qof iyo cod ah, balse tan dabdan ee hadda la qaatay ay xiiso badan tahay doorashada heer degmo ee ka socota Puntland, taas oo hal qof iyo hal cod ah.

“Reer Puntland waxay dareemeen inay si toos ah u dooran karaan musharaxa ay doorbidayaan, marka waxaan isleeyahay arrintaan waa wadahadal aad loogu baahan yahay in la yeesho, kadib markii ay dhammaato doorashadaan,” ayey tiri safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.

Mar Safiirka wax laga weydiiyay waxa ay kala socoto eedeymo la xiriira wax isdaba marin ka dhacay doorashooyinka Aqalka Sare ee deegaanada maamul goboleedyada ayaa sheegtay inay soo dhaweynayaan hanaanka ay ku billaabatay doorashada Aqalka Sare.

“Waxaa billaabanaysa doorashada Aqalka Hoose, waana in geeddi-socodkaas uu u dhacaa si wanaagsan oo ergada loo soo xulaa qaab cad oo caddaalad ah, waxaana jira inta dootashadu socoto kormeereyaal indhaha ku haya waxa soconaya, waxaana ogahay in ra’iisul wasaaraha iyo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ay ka wadahadlayaan geeddi-socodka doorasho ee dalka, sababta deeqbixiyaashu ay qarashka ugu bixinayaan doorashooyinka waa in la xaqiijiyo sidii loogu heli lahaa amni la isku halleyn karo goobaha doorashooyinku ka dhacayaan, lagana hortago cabsi dib u dhigi karta,” ayey tiri Kate Foster.

Danjiraha dowladda Ingiriiska u fadhisa dalka Soomaaliya sidoo kale waxay sheegtay in haddii ay Soomaaliya ka baxaan ciidamada AMISOM ay jiri karto cabsi laga qabo wixii ka dhacay Afghanistan.

“Waxaan isleeyahay xaaladda ka jirta Afghanistaan waa mid ay hadal hayeen usbuucaan dadka Soomaaliyeed waxaana jira casharro ay tahay in laga barto iyo meelo ay xaaladdaas uga egtahay midda ka jirta Soomaaliya, waxaan u xaqiijinayaa dadka inuusan jirin qorshe dhow oo ay AMISOM ku baxayso, laakiin waxa uga deggan arrintaan Golaha Ammaanka ee QM waa in si nidaamsan oo horumarsan hoggaanka amniga looga wareejiyo AMISOM, loona wareejiyo dowladda Soomaaliyeed,”ayey tiri.

Waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay wadahadallo ka leeyihiin meel marita qorshaaha ay AMISOM ku wareejineyso ammaanka Soomaaliya, iyadoo ugu dambeyn ku aruuri doonta la-talinta iyo tababarridda ciidamada ammaanka Soomaaliyeed.