Wiil kale oo Soomaali ah oo lagu dilay Sweden iyo tirada Soomaalida oo gaartay 30

Stockholm (Caasimada Online) – Dilka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Swedan ayaa sii kordhaya, ayada oo ugu dambeeyay wiil habeenimadii ay Isniintu soo galeysay lagu dilay degmada Hjulsta oo ku taalla Stockholm.

Sheekh Xuseen Faarax Xaaji Warsame oo ah imaamka Masjidul Nuur oo Soomaalidu maamusho, kuna yaala xaafada Rinkybay ee Stockholm ayaa idaacada VOA-da u sheegay in wiilkaas oo da’diisu aheyd labaatameeyada dilkiisa loo qabtay dad ku dhow 8 qof.

Sheekh Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in dilalka Soomaalida ee ka dhaca dalka Sweden ay u badan yihiin kuwa dhex-mara dhalinyarada Soomaaliyeed, oo ayagu u kala qeyb-qeybsan kooxo kooxo, sida uu sheegay.

“Habeenkii ay Isniintu soo galeysay ayaa lagu dilay xaafad ay dadka Soomaalidu ku badan yihiin, Ilaahay waxaa uga baryaynaa isaga iyo intii hore ee dhimatayna unaxariisto,” ayuu yiri Sheekh Xuseen Faarax.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ku howlan yihiin sidii dowladda iyo ciidamada dalkaas wax ka qabtaan dilalkaas, isagoona xusay inay ka wacyi-geliyaan bulshada Soomaaliyeed sidii ay u xoojin lahaayeen midnimadooda.

Horey waxaa dalka Sweden loogu diley dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku dhow 30-meeyo laga soo billaabo 2015-kii, halka ay dhaawacyo kala duwan isku geysteen ku dhawaad Sagaal dhallinyaro.

Si kastaba, waddamada galbeedka waxaa ka jira in dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, oo siyaabo kala duwan ayagu isugu dila ama loogu diley.