ERDOGAN oo wada-hadallo lama filaan ah la yeeshay hoggaamiye ay xifaaltamaan

Ankra (Caasimada Onine) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa wada-hadal qadka taleefoonka ah la yeeshay hogaamiyaha dhabta ah ee Imaaraadka ahna Dhaxal Sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed Al Nahyan, sida uu sheegay Xafiiska Erdogan.

Wada-hadalladan cusub ayaa muujiyey inuu sii xoogeysanayo isbeddel weyn oo bilihii dhowaa ku yimid xiriirka labada dal.

Turkiga iyo Imaaraadka ayaa ku tartamay saamaynta gobolka tan iyo markii kacdoonnadii Carabtu qarxeen toban sano ka hor, waxayna labada dhinac kala taageerayeen dhinacyada kala duwan ee uu ka dhaxeeyey dagaalka sokeeye ee Liibiya .

Erdogan ayaa sheegay sanadkii hore in Turkigu uu ka fikirayay inuu xiriirka diblumaasiyadeed u jaro kadib heshiiskii dowladaha Khaliijka ee ahaa inay caadi ka dhigaan xiriirka ay la leeyihiin Israel.

“Xiriirka u dhexeeya dalalka iyo arrimaha gobolka ayaa looga hadlay wada-hadallada,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Erdogan oo looga hadlay wicitaankiisa Sheekh Maxamed.

Wada-hadalka labada mas’uul ayaa yimid laba toddobaad kadib markii Erdogan uu la kulmay sarkaal sare oo ka tirsan Imaaraadka, wuxuuna sheegay in labada dal ay horumar ka sameeyeen wanaajinta xiriirka taasoo horseedi karta maalgashi weyn oo Imaaraadku ku sameeyo Turkiga.

“Qof walba waxay dani ugu jirtaa in la raaco siyaasad ku salaysan heshiis halkii laga samayn lahaa siyaasad ku salaysan khilaaf. Sababtoo ah tan dambe waxay leedahay kharash. Tanna horana waa horumar muhiim ah,” ayuu yiri sarkaal sare oo Turki ah oo ka hadlay wadahadaladii u dambeeyay.

Ankara iyo Abu Dhabi ayaa muddo sanado ah taageerayay kooxaha iska soo horjeeda ee Bariga Dhexe, iyadoo Turkigu uu taageerayay dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta, gaar ahaan Ikhwaanul Muslimiinka oo ka qayb qaatay kacdoonnadii Gugii Carabta. Hoggaamiyeyaasha khaliijka ee hodanka ah waxay ka walwalaan in xasillooni -darrada noocan ahi ay gurigooda gaarto.

Wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen “rajada laga qabo in la xoojiyo xiriirka labada ummadood si loogu adeego danahooda guud iyo labadooda shacab.”

Turkiga ayaa sanadkii la soo dhaafay ku eedeeyay Imaaraadka Carabta in ay qas iyo qalalaase ka wadaan Bariga Dhexe iyada oo loo marayo faragelinta Libya iyo Yemen, halka Imaaraadka iyo dhowr dal oo kale ay dhaleeceeyeen tallaabooyinka milateri ee Turkiga.

Dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka ayaa sheegay inay qaban doonaan wajiga labaad ee wada hadalka toddobaadka soo socda. Sarkaalka Turkiga ah ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in la filo in muddo gaaban lagu xaliyo dhibaatooyinka muddada dheer jira.

Ankara ayaa sidoo kale sannadkaan ku dhaqaaqday tallaabooyin ku wajahan xulafada ugu weyn gobolka ee Imaaraadka, Masar iyo Sacuudi Carabiya si looga gudbo xiisadaha saameeyay dhaqaalaha Turkiga.

Xiriirka Turkiga iyo Sucuudiga oo aad u cakiran ayaa burburay kadib dilkii Dowladda Sacuudiga ay sanadkii 2018 ay wariye Jamal Khashoggi ku dileen qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Xiriirka Masar iyo Turkiga ayaa xumaaday tan iyo markii militariga ay afgembiyeen madaxweynihii ugu horreeyay ee Masar oo si dimuqraadi ah loo soo doortay, Maxamed Mursi oo ka tirsanaa Ikhwaanul Muslimiinka. Erdogan oo ka tirsan xisbiga AK Party ee islaamiga ah ayaa si weyn u taageri jiray Mursi.