DF Soomaaliya oo DALAB xasaasi ah u gudbisay Qatar

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo khadka taleefanka kula xiriiray wasiirka arrimaha dibadda Qatar, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaas Sheikh Mohammad Bin Abdulrahman Al-Thani ayaa ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo quseeya xaaladda labada dal iyo tan gobolka.

Ugu horreyn wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa u soo jeediyay hindiso xukuumadda Dooxa, kaas oo ku aadan shirka Jaamacadda Carabta ee heer wasiir, isaga oo ka codsaday in golaha ay soo horjeento faylka Somalia, maadaama ay leedahay kaltanka shir gudoonka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada-hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga ay haatan leeyihiin labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Sidoo kale waxa ay fallanqeyn ku sameeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee soo kordhay ee arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale dowladda Qatar iyo shacabkeeda uga mahad-celiyay taageerada ay mar-kasta la garab taagan yihiin dowlada Soomaaliyeed.

Qatar ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, waxaan afartii sano ee lasoo dhaafay aheyd taageeraha ugu weyn ee dhinaca dhaqaalaha maamulka Farmaajo.

Wada-hadalladan cusub ee labada dowladood ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay Soomaaliya ku jirto xilli adag oo kala guur ah iyo marxalad doorasho.