Arrin been ah oo Aqalka Cad uu ka sheegay Somalia oo fal-celin ka abuurtay Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Warbaahinta Mareykanka ayaa ka falcelisay hadal been ah oo afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki ay ku sheegtay in ciidamo Mareykan ah aysan joogin Soomaaliya, xilli ay difaaceysay ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan.

Psaki ayaa ku dooday in Mareykanka uu awoodi doono inuu howlgallo ka hortag argagixiso ka fuliyo Afghanistan ayada oo aysan joogin ciidamo, waxayna tusaale usoo qaadatay Soomaaliya iyo dalal kale, halkaas oo dhab ahaantii ay ciidamo Mareykan ah joogaan, taas oo lid ku ah sheegadeeda.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii militariga Mareykanka ay ku dhowaaqeen inay dhameystireen ka bixitaankooda Afghanistan. 

Psaki ayaa la weydiiyey haddii dadka Mareykanka ee ku sugan dunida daafaheeda ay hadda halis dheeri ah ku jiraan, sababo la xiriira hubka tirada badan ee u gacan galay Taalibaan kadib bixitaanka ciidanka Mareykanka. 

“Awoodaheena aan ku beegsan karno argagixisada waa ay jiri doonaan. Waxaa jira qeybo ka mid ah dunida kale sida Soomaaliya, Libya iyo Yemen oo ciidamo aysan dhulka naga joogin, welina aan ka hortagno in argagixisada ay kasoo qaadaan weeraro ama ku halis geliyaan muwaadiniinteena,” ayey tiri Jen Psaki.

Sidoo kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa hadalkan oo kale Axaddii ka sheegay barnaamijka Meet the Press ee NBC.

 “Waxaan dunida, oo Afghanistan ay ku jirto aan ku leenahay awoodo aan ku weerari karno argagixisada dooneysa inay na waxyeeleyso,” ayuu yirri Blinken. 

“Sida aad la socotaan, meelo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Syria iyo Libya, oo aysan naga joogin ciidamo, waxaan awood u leenahay inaan ka daba-tagno kuwa doonaya inay na waxyeeleeyaan, waxaana Afghanistan ku lahaan doonnaa awood taas la mid ah.”

Hadallada Psaki iyo Blinken ayaa ah been, sababtoo ah madaxweyne Joe Biden ayaa warqad uu bishii June u diray Congress-ka ku xaqiijiyey in Mareykanka ay ciidamo ka joogaan Soomalaiya.  

“Amar uu bixiyey maamulkii iga horreeyey ayaa inta badan ciidamada Mareykanka looga soo qaaday Soomaaliya, balse weli shaqaale ka mid ah militraiga Mareykanka ayaa ku sugan Soomaaliya, si ay u tababaraan, ula taliyaan, una caawiyaan ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM,” ayuu Biden ku yiri warqaddiisa. 

Waxa uu intaas ku daray in ciidamada Mareykanka “ee saldhiggoodu yahay meelo ka baxsan Soomaaliya, ay weli wadaan inay ka hortagaan halista ka imaneysa kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.” 

Sidoo kale bishii April, taliyaha taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Jeneral Stephen Townsend ayaa xaqiijiyey in qiyaastii 100 askari oo Mareykan ah ay joogaan Soomaaliya.