Ra’iisul wasaare ROOBLE oo farriin culus u diray Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayey arrimaha doorashooyinka dalka, kadib kulan uu la qaatay guddiyada doorashada ayaa soo hadal qaaday dooda weli ka taagan kuraasta Somaliland.

Ugu horreyn Rooble ayaa farriin u diray labada garab ee is haya, gaar ahaan ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahadi Maxamed Guuleed  iyo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isaga oo ka codsaday inay ka shaqeyaan horumarinta iyo is-aaminaada, si ay doorashada labada Aqal ee Somaliland ugu dhacdo si cadaalad ah.

Rooble ayaa tilmaamay in in habraacii u dambeeyey uu dhigayo ee lasoo saaray uu dhigay in  labadaan mas’uul ay soo xulayaan liiska musharixiinta xildhibaanada ka imaanaya gobollada waqooyi, isagana uu ka hubin doono, si markaas turxaan bixin loogu sameeyo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu diyaar u yahay inuu si gaar ah ula shaqeeyo labada dhinac, si looga gudbo caqabadaha weli ka jira kuraasta gobolada waqooyi ama Somaliland.

Dhinaca kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu intaasi ku sii daray in aanu ogolaan doonin in labada garab ay isku dulmiyaan doorashada, ayna sidoo kale jiri doonin u kala eexasho.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo khilaafka u dhexeeya labada garab ee kuraasta Somaliland isku haya uu meeshii ugu sarreysay gaaray, kaas oo saameeyey horey u socodka doorashooyinka, waxaase haatan soo fara-geliyey golaha wada-tashiga qaran oo soo saaray habraaca doorashooyinka iyo sida loo wajahayo kuraasta gobollada waqooyi.

Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo maray marxalado kala duwan iyo is jiid jiid dheer, kaas oo dib u dhigay qabashada doorashooyinka oo ka daahay waqtigii loo asteeyey.