Daawo: Deni oo shaaciyey hadafkiisa ugu weyn iyo sababta uu isu-soo sharaxay

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo shaaciyey waxa uu yahay hadafkiisa ugu weyn.

Saciid Deni ayaa sheegay in hadafkiisa ugu weyn ee musharaxnimadiisa uu yahay sidii uu meesha uga saari lahaa madaxweyne Farmaajo, isagoo balan qaaday in musharax kasta oo hadafkaas uu garab istaagi doono.

“Waxaan halkaan baaq uga dirayaa dhamaan musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya, waa inay ku midoobaan in la bedelo madaxweynaha hadda jooga ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo,” ayuu yiri Deni.

Isagoo sii hadlaayey Saciid Deni waxuu yiri, “Hadafka u weyn oo aan leeyahay wuxuu yahay in Maxamed Cabdullahi Farmaajo uusan sii joogi karin xilka, waa adagtahay in dalkaani uu horay u sii socdo, hadii uu sii joogo.”

Sidoo kale Deni wuxuu balan qaaday in qof kasta oo hadafkaas leh uu garab istaagi doono, “Aniga iyo xildhibaanada labada Aqalka ee reer Puntland waxaan ka wada qeyb qaada doonaa isbedel muuqda oo ku dhisan nidaam dumoqraadi ah,” ayuu yiri Saciid Deni.

Wuxuu carabka ku adkeeyey inay mabda’ ka tahay dagaalka siyaasadeed ee uu ku qaadi doono nidaamka Farmaajo, “In dalka laga bedelo wadadii Farmaajo ku waday waa waajib, qof kasta oo mabda’aas lehna waxaan saaxiib ku noqon karnaa siyaasadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saciid Deni.

Ugu dambeyntii madaxweynaha Puntland waxuu sheegay in musharax kasta oo ku soo baxa tartanka doorashada uu la shaqeyn doono, markii laga reebo Farmaajo oo dagaal siyaasadeed oo aad u adag uu kala dhaxeeyo.

“Tartanbaa la gelayaa waxaan rajeynayaa cid kheyr qabta inay ku soo baxdo tartankaas oo aan rajeynayo inuu noqdo mid xalaal ah, cid kasta oo aan Farmaajo aheyn oo ku soo baxdana in si wadajir ah gacan loo siiyo ayaan rajeynayaa, sababtoo ah in Farmaajo soo laabto, waxay dhaawac ku tahay deganaashaha iyo midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Deni.

Hoos ka daawo