Daawo: Safiirka Soomaaliya ee Turkiga: XASAN SHEEKH wuxuu mudan yahay in taallo loo dhiso hal sabab darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u qaabilsan waddanka Turkiga, Ambassador Jaamac Caydiid oo la hadlayey warbaahinta, kadib munaasabad ballaaran oo uu ka qeyb-galay ayaa soo hadal qaaday halgankii uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud u galay kiiska badda ee ay guusha weyn ka gaartay Soomaaliya.

Caydiid ayaa shaaca ka qaaday in Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ka mid ah xubnaha mucaaradka uu mudan yahay in loo dhiso Taalo ay ku qiimeyneyso Soomaali weyn, iyada oo loo fiirinayo dadaalka iyo xooga uu galiyey dacwaddii badda ee loo gudbiyey ICJ.

Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in madaxweynihii siddeedaad ee dalka uu meel fog kasoo celiyey badda, loona baahan yahay in lagu amaano, sidoo kalena lagu qiimeeyo.

“Xasan Sheekh badda halganka uu u galay kaliya, haddii ay Soomaali ku qiimeyso Taalaa loo dhisi lahaa. Badda meesha uu ka soo celiyey dadka hoos u og illaa Qabrigiisa ayaa la ziyaaran lahaa,” ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee Turkiga Ambassador Jaamac Caydiid.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in qofka lagu amaano waxa uu xaqa u leeyahay, iyada oo la eegayo waxqabadkiisa muddada uu soo shaqeeyey.

“Xasan Sheekh Maxamuud hadda waa mucaarad dowladdeyda shaki ma leh, laakiin waa inaan waxa aan ku naqdinayaa ay yihiin wax run ah, waxaan ku amaanayaana ay yihiin wax uu xaq u leeyahay,” ayuu markale khudbaddiisa ku yiri Ambassador Jaamac Caydiid

Waxa kale oo uu yiri “Waxaa qofka lagu qiimeynayaa mida kale marxaladdii uu soo shaqeeyey daruuf adag ayey ku soo shaqeeyeen raggaasi, waa in lagu qiimeeyaa,”.

Si kastaba, dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guuleysatay in dacwaddii badda ee Soomaaliya kala dhexeysay Kenya ay u gudbiso maxkamadda cadaaladda ee ICJ, taas oo markii dambana inta badan biyaha ay muranka gelisay Kenya u xukmisay Soomaaliya.

Hoos ka daawo hadalka safiirka 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii