Sawiro: Taliye ku xigeenkii ciidanka PSF oo u goostay dhanka Deni iyo wararkii ugu dambeeyey xiisadda

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii guud ee Ciidanka PSF ee Puntland G/sare Cabdiraxmaan Maxamed Ilig ayaa wuxuu ku biiray ciidamada maamulka Puntland ee daacadda u ah madaxweyne Saciid Deni.

Ilig oo ay wehliyeen ciidamo badan oo kamid ah ciidankan sidda gaarka ah u tababaran ayaa bishii hore sheegey in ay sharciga baal marsan tahay xilka qaadista lagu sameeyay hoggaanka PSF.

Agaasimaha hay’adda PSF uu dhawaan u Magacaabay Madaxweynaha Puntland ee aan xilka lagu wareejin S/ Guuto Amiin Xaaji Kheyr ayaa Taliska cusub ee Ciidanka PSF kusoo dhaweeyay G/sare Cabdiraxmaan.

Agaasime ku-xigeenka Hay’adda PSF ayaa wada-hadallo sababtay in uu usoo wareego waxaa uu la galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Maamulka Puntland.

Sidoo kale, Agaasimaha PSF oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo danbiyada culus iyo saraakiil ka tirsan ciidanka PSF iyo Daraawishta ayaa yeeshay kulan gaar ah oo ay uga wada hadleen sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay xilka qaadistii Agaasimaha Hay’adda PSF.

Sida wararka la helayo sheegayaan, waxaa jira ciidamo ka baxaya xarunta PSF ee Boosaaso halkaas oo uu ku sugan yahay Agaasimaha xilka laga qaadey ee hay’adda.

Dhanka kale, Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay Ciidamo dheeraad ah ku daadisay wadooyinka waaweyn ee Boosaaso, si ay u xaqiijiyaan amniga magaaladda.

Boosaaso oo ah mgaalo ganacsi ayaa laga dareemay cabsi dagaal kadib markii Ciidan taabacsan agaasimaha xilka laga qaadey ay kasoo baxeen Galgala kadibna ay magaaladda soo galeen.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii