Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasi Salaad Cali Jeele oo si weyn dadweynaha Soomaaliyeed u yaqaanaan ayaa wareysi xiiso badan uu siiyay warbaahinta wuxuu kaga hadlay xaalada dalka Soomaaliya.
Siyaasi Salaad Cali Jeele ayaa ugu horeyn ka hadlay waxyabaha caqabada adag ah ee hortaagan dhismaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo sababaha amni daro badan ay kaga dhacdo magaalada Muqdisho.
Waxyaabaha ugu daran ayuu sheegay iney tahay in amniga dadka ka shaqeeya aysan heysan qibrad buuxda oo kaliya xilalka iska qabtaan, iyaga oo aan meel hoose kasoo bilaabin arimaha amaanka.
“Dadkaan iyagoon karaani soo noqon ayay madaxweyne ka bilaabaayaan, amaankana sidaas ku imaa maa, amaanka wuxuu u baahan yahay qof qibrad u leh oo kusoo dhex jiray”ayuu yiri Salaad Cali Jeele.
Hoos ka daawo wareysiga

