Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dalacsiiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, G/Sare Liibaan Cali Yarow.
Madaxweynaha ayaa G/Sare Liibaan Cali Yarow u dalacsiiyay darajada General.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh ayaa waxaa lagu sheegay in xiligaani iyo wixii ka danbeeya Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida loogu yeeri doono General Liibaan Cali Yarow.
Wareegtada ayaa waxaa si taa lamid ah loogu dalacsiiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida, G/Dhexe Xasan Cali Nuur (Shuute), isaga oo loo dalacsiiyay Gaashaanle Sare.
Xassan Sheekh ayaa dalacsiinta labadaasi nin ee ugu sareysa Maxkamada Ciidamada Qalabka sida u sababeeyay howl-karnimo.
Madaxweynuhu indhihiisu ma aysan qaban Boqolaalka Saraakiil ee ku dhimaneysa wadooyinka iyo Ciidamada habeen iyo maalin wadooyinka ay ku haleelayaan Qaraxyada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

