Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa canaan kala dul-dhacay Wasaaradaha Arrimaha gudaha, cadaaladda, Xeer-ilaalinta iyo hey’adaha amniga.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta ka howlgasha labadaasi Wasaaradood, Xeer-ilaalinta iyo Hay’adaha amaanka ugu goodiyay inay mari doonaan halkii uu maray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ceydiid Ilka-xanaf.
Xassan Sheekh ayaa sheegay in Wasaaradaasi iyo Hay’adaha Amaanka aysan ku shaqeyn sidii loogu tallo galay, hadii ay wax ka bedeli waayaana uu xilka ka qaadi doono.
Madaxweyne Xassan waxa uu sidoo kale sheegay in fariintiisa ay si gaar ah ugu wajahan tahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidamadda Boliiska iyo Nabad Sugidda.
Sidoo kale, Madaxweyne Xassan waxa uu dhammaan qeybaha kala duwan ee kor ku xusan faray inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee Maxakmadda sare ee dalk Dr Ibraahim Iidle Suleymaan.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiira-geliyey guddoomiyaha cusub, waxuuna u ballan qaaday in dhammaan hey’adaha dowladda ay kala shaqeyn doonaa howlaha loo egmaday.







