Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta maalintii labaad ka dooday hishiiskii iyo nidaamka doorahada ee sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya oo xukuumada Soomaaliya ay usoo gudbisay baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaano badan oo ka dooday kulankii labaad ee maanta ayaa doorada saaray qaladaad badan oo dastuuri ah oo ay ku arkeen nidaamka doorashada dhaceyso sanadkaan oo qaab hindise ahaan loogu gudbiyay xildhibaanada.
Daahir Amiin Jeesow iyo xildhibaano kale oo maanta ka hadlay kulanii labaad ayaa sheegay in sharciga loo gudbiyay uu ka hor imaanayo qodobo kamid ah dastuurka dalka Soomaaliya oo qeexaya qaabka doorashada.
Dhamaan xildhibaanada maanta hadlay iyo xildhibaanadii shalay ayaa soo jeediyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sameeyo gudi arimahaasi si qoto dheer u eega soo saara qaladaad doorashada dhibaateyn kara.
Qaladaad ugu badan ee xukuumada Cumar C.rashiid usoo gudbisay gudoonka baarlamaanka ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu jibiyay qodobo badan oo dastuurka dalka ah.
Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
[email protected]

