Daawo Sanbaloolshe: Dagaalka bari kasoo xawila oo galbeed u xawila, Murusade-na…

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan furimaha dagaalka ayaa ku booriyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka in meelna looga harin kooxda Al-Shabaab.

“Shabaab hadduu qolo cadow ku yahay horta waa idinka, markaa waxaan rabnaa geedkasta oo Shabaab galo in aan ka daba galno oo ka bixino, cidkasta oo dileysana aan la dilno,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay haddii loo midoobi waayo dagaalka Al-Shabaab uu culeyska gulufka socda uu qolo gaar ah ku kaliyeysanayo, “Madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliyaha Xoogga waa in dadka Soomaaliyeed dagaalka u mideeyaan.”

“Dhinacaan Abgaal ayaa jira horteena Murusade, dhinacaasna Habargidir ayaa jirta, Abgaal-na dildiloonkii wuu iska joojiyi xawli uu markaan ku socdaa ee Habargidir gaadgaadka ha iska dhaafto, Murusade-na waa curadkii Hawiye dadka waa inuu waranka ku horqaado,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Waxa uu intaas kusii daray “Haddii aan deegaanadaan xor noqon anagana xor ma ahaan karno oo hal habeen nabad kuma seexan karno. Waxaa rabnaa in geedkii uu galaba aan Shabaab uga daba-galno cidkasta oo dileysana aan la dilno.”

Sanbaloolshe ayaa sheegay in Shabaab dhibaato badan ku hayeen bulshada Soomaaliyeed, ayna tahay in la iska xoreeyo, lana iska dulqaado adoonsiga kooxda oo laga xoreeyo guud ahaan dalkeenna.

“Adduunka waxaa lagu dagaalama xoriyadda, horta qof isagoo xor ah adoon noqda miyaa idinku jira? MAYA!. Waxa Shabaab meesha ku haysay sow adoonsi ma aheyn, nimankaas yeysan idinku soo noqon oo kaligeen ma xoreysnaan kartaan ee meel kasta oo Soomaaliya gumeysi ku jirta in aad xoreysaan ayaa la idinka rabaa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dagaalka socda uusan aheyn qandaraas koox gaar ah leedahay, balse uu yahay mid dalka looga xoreynayo cadowga hortaagan horumarka umadda Soomaaliyeed, ee gumaadka ku haya.